Akhriso: Hay’ada Nabadsugida DFS oo War kasoo saartay Xariga Wariyayaasha Universal

6 Okt 2015 (Puntlandes) Hay’adda Nabadsugidda iyo Sir-doonka DFS ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay xariga wariyeyaasha TVga Universal iyo xiridda xafiiska telefishinka ee Xamar.

100iWarka ayaa lagu sheegay EEDAYN aan loo meel dayin taasoo ah in warbaahinta qaarkeed ay noqotay meel lagu sumcad-dilo madaxda dastuuriga ah ee dalka, lagu baado haya’daha, lagu abuuro xasillooni-darro amni iyo mid siyaasadeed, loona baahan yahay in la is-weydiiyo sababta ay falalkaas gurracan u geysteen ee aan la is-weydiin sababta tallaabo sharci ah looga qaadayo.

 

 

 

Haddaba, Warbixinta hay’adda Nabadsugidda Qaranka oo lix qodob ka kooban ayaa u qorneyd sidan:

100j

  1. Marka warbaahinteenna qaar ay noqoto meel lagu baado hay’adaha dowladda, laguna sumcad dilo madaxda dastuuriga ah ee dalka, lagu abuuro xasillooni-darro amni iyo mid siyaasadeed, lagu rajo-tiro shacabka laguna hanjabo, ha is weydiinina sababta tallaabo sharci ah looga qaaday ee is weydiiya sababta ay falalkaas gurracan u geysanayaan.
  2. Argagixisadu waa wadar nuuc, midda nafta goysa waxaa la mid ah tan maskaxda disha iyo midda sumcadda Qaran iyo mid qof ahaaneedba disha, intuba waa isku mid waxaana ka wada ilaalinaa Qaranka.
  3. Argagixisadu ma aha kaligeed khatarta koowaad ee Qarankeena, waxaa jira khataro kale oo dadkeena in badan aysan fahamsaneyn kana waxyeello badan argagixsadaan naqaanno, waxaana ka mid ah: – kuwo nagu dhex-jira ee hagaya cadowga, kaalmeynayana ama xariir is-gaarsiineed & mid ganacsi kala dhaxeeyso argagixisada. kuwo hay’adaha & safaaradaha ajnabiga ah sifo aan loogu dirsan uga daba wareegaaya, marin habaabinaya tashwiishna galinaya saaxiibo badan oo dalkeena wax tari lahaa.  kuwo qoraallada been-abuurka ah ka gudbinaya Qarankeenna una gudbinaya kuwa ku nool qoraalada dhaawacaya jiritaankeena iyo Qaranimadeenna (Soomaali iyo Ajnabiba). intaas waxay la mid yihiin ama ay ka daran yihiin argagixisada aan naqaan, maxaa yeelay argagixisada aan naqaan waxaa laga yaabaa in ay dad yar ama goob kooban ay saameyso laakiin, kuwaan kale waxay saameynayaan guud ahaan ummadnimadeenna iyo Qaranimadeenna, waana kuwo aan u daba joogno sida aan u daba-joogno argagixsada aad taqaanaan.
  4. Xarumaha warbaahineed ee tallaabada laga qaaday maaha kuwo kaliya hal barnaamij oo ka bxay iyaga talaabo looga qaaday ee waxaa jiray falal kale ee gurracan oo ahaa musalsal oo ay horay ugu kaceen, iyadoona horay loo siiyay digniinno ah inay joojiyaan kana dhega adeegeen, waxaa ka mid ahaa:- warar been-abuur ah oo laga faafiyay hay’adaha dowladda, sida madaxda dalka ugu sareysa, wasaaradaha gaashaandhiga, amniga iyo weliba hay’adaha garsoorka dalka. Falalka kale ee guracan oo ay ku kaceen waxaa ka mid ah buunbuuninta jabhadaha hubeysan ee doonaya inay qoriga ku wiiqaan dowladnimadeenna, sidoo kalena waxay buun-buuniyeen barobogandana u sameeyeen ururrada argagiixisada ah ee ummad-nimadeenna kasoo horjeeda, iyagoo ka dhaga-adeegay amar hore oo kasoo baxay laamaha amniga oo ahaa inaan la buunbuunin karin hadalada madaxda argagixisada.
  5. Ugu dambeyn, dowladnimadu waa xishootaa, waa dul-qaadataa, waa digtaa, waana sugtaa, intaa qoladii garan-weyda iyadoo dhiirran ayay tallaabo sharci ah ka qaadaa, si nidaamka iyo kala dambeynta loo ilaaliyo.
  6. Dalkeennu ma ahan dal hadda dhashay, wuxuu leeyahay shuruuc iyo taariikh soo jireen ah; waxaan ku borrinaynaa dadka leh meheradaha madaxa-bannana ee gaarka loo leeyahay gaar ahaan warbaahinta inay akhriyaan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed ee dalka u yaalla si aysan u gelin falal-danbiyeedyo sababa in lala tiigsado sharciga mustaqbalkooda shaqana saameeya.

 

About The Author