XOG: Soocadde oo Shaqadii ka joojiyey Agaasimihii & kuxigeenkii PLTV & Radio kadib cabasho laga soo gudbiyey

23 Nov 2015 (Puntlandes) Sida ay Xog ku heshay Warbaahinta Puntlandes waxaa kulan isugu yimid Shaqaalaha Warbaahinta dowladda Puntland TV/Radio , iyagoo ka arinsanayey Musuqmaasuqa baahsan iyo maamulxumada ka jirtay Warbaahinta dawladda.

Dood iyo Falanqayn dheer oo ku saabsan xaaladda Warbaahinta dowladda Puntland TV/Radio ay iminka ku sugan tahay kadib waxaa usoo baxday:

  • inuu PLTV qarka u saaran yahay inuu Xirmo
  • Maamul xumo haysata PLTV/Radio
  • Musuqmaasuq baahsan oo ka jira maamulka PLTV/Radio

Waxay Shaqaalahu go’aansadeen inay Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud  Soocadde u tagaan ayna ka codsadaan inuu wax ka qabto ama inay dhamaan shaqalaha Warbaahinta dowladda Puntland TV ay Shaqada hal mar ka wada tagi doonaan.

Soocade

Intaas kadib, 22 ka mida Shaqaalaha Warbaahinta dowladda Puntland TV oo qof walba soo qortay warqadii Shaqo ka tagida waxay la kulmeen Wasiir Soocadde, iyagoo si cad ugu sheegay go’aankooda ah inay Shaqada ka tagayaan haddii uusan wax ka qaban maamulka Warbaahinta dowladda Puntland TV/Radio.

491

Isla markiiba Wasiir Soocadde waxa uu go’aansaday inuu shaqada ka joojiyo Agaasimihii Warbaahinta dowladda Puntland TV/Radio Cabdifitaax Nuur Axmed Ashkir iyo ku xigeenkiisii Xuseen Xaaji Yuusuf.

Shaqaalaha Warbaahinta dowladda Puntland TV ayaa isla markiiba waxay iska dhex xuleen maamul ku meelgaar ah oo sii wada shaqada inta Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu kasoo magacaabayo Agaasime iyo Agaasime kuxigeen.

Wasiir Soocadde waxa uu Ilaalada Warbaahinta dowladda Puntland TV/Radio ku amray inaysan soo geli karin xarunta Warbaahinta maamulkii hore ee shaqada laga joojiyey.

Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu August 5, 2014 xilka Agaasimihii Warbaahinta dowladda Puntland TV/Radio u magacaabey Cabdifitaax Nuur Axmed Ashkir halka uu ku xigeenkiisana u magacaabay Xuseen Xaaji Yuusuf, waxaana jiray cabashooyin kasoo yeeraysay Shaqaalaha Warbaahinta dowladda Puntland TV/Radio iyagoo ka cabanayey Musuqmaasuq iyo maamulxumo.

Maqaal dheer oo ka hadlaya inuu PLTV qarka u saaran yahay inuu xirmo, Musuqmaasuq iyo maamulxumo dartood ayaa waxaa ka qortay Warbaahinta Puntlandes oo u taagan inay Bulshada Puntland usoo gudbiso Xaqiiqda dhabta ah ee jirta si wax looga qabto, Halkan ka akhri MAQAALKII Warbaahinta Puntlandes.

Puntlandes.com

 

About The Author