Warbixin:-Dhibaatada kufsigu Uleeyahay Haweenka iyo Saamayntiisa.W/Q- Wariye Siciid Mahad Maxamed ( Siciid Amoore)

23 Nov 2015 (Puntlandes)

Falalka  ugu badan oo lagula kaco dumarka waxa kamida kufsiga oo ay ku waayaan sharaftooda  iyo qadarintii ay ku dhex lahayeen bulshada dhexdeeda.

Waxaa lagu tilmaama dumarku inay yihiin aas aaska kowaad ee qoyska hadana waxaa moodaa in aysan qaar kamida ku xushmeen haweenka oo ay xadgudub ku sameeyaan.

Haweenku waa ay nala dhashen waana nadhalen waana ay noo dhaxaan inaan dhoorno maahee ma dhib bay naga mutaysteen.

Hadaba kufsigu waan maqalaa muxuu yahay kufsigu ?

Kufsiga waa xadkudub xaga jinsiga oo lagula kaco haweenka iyadoona raali ka ahayn iyo in xoog lagu kufsado iyadoona jirkeeda loo gaysanayo jirdir mararka qaarna waxa dhacaa in ay u geeriyoodaan kufsiga loo gaystay.

Marka kufsiga loo gaysto nolosheeda dambe waxaa ay ku noolaanaysaa nolol aan bini,aadan ku noolaan karin taas oo ah in ay nolosha oo dhan u cuntami waydo iyo in bulshada dhexdeeda isaga dhex baxdo taas oo sababta in bulshada ay ku dhex nooshahay ay u adegsadan erayo aan ku haboonayn hadana niyadeeda wax u dhimaya.

Kufsigu waa shay xun diinteenuna raali kama ahaa mana banayn in haweenka kufsi lagula kaco ama lagu xadgudbo.

Waa macquul in qaar kamida raga aysan aqoon xaqa dumarka sidaana ay ugula kacayaan kufsiga haday ogaan lahaayeen ciqaabta ay marayaan markay haweenka xadgudub ay kula kacayaan waa ay iska dayn lahaayeen.

Iyada o aan ognahay in dumarku ayna dhaleen nala dhasheen hadana ay noo dhaxaan maxaan kufsiga iyo xadgudubka aan ugula kacnaa ?

ma waxan ilawnay dhibaatadii iyo xanunkii ay nala soo mareen markay caloosha nagu wadeen iyo markay na dhaleen dhibkay nala soo maren?

Kufsigu waa dhibatada ugu wayn oo lagula kaco haweenka taas oo sababta in ay naftooda kuwaayaan ama ay galaaftan oo ay kuwaayaan noloshooda.

Tan uguwayn oo ay lakulmaan ayaa ah inay waayaan qof ay nolosha la qaybsato oo ay la aqal gasho taas waxaa u sababa falki ay kula kaceen qaar kamida dhalinyarada ay wada dagaanka yihiin oo hadana muslimin ah.

Qola kasta ama bulsha walba waxa ay dhoortaa oo ay haysataan dhaqankeeda iyo hidaheeda hawenka waa lama taabtaan oo waxay u arkaan inay yihiin sidi muraayad o kale oo haday mar jabtana aan laysku keeni Karin.

Bulshadaas ka sakaw diinteena islamanka ma ogola in aan qof haweena ku xad gudubno o aan hadana  jir dil u gaysano taasina waa waxaan ka suuroowin qof leh niyad saafiyaa iyo qalbi dabacsan.

Qofna ma ogola in uu walaashii hooyadii ama marwadiisa lagu xad gudbo hadaba maxaa hawenka kale loogu xad gudbayaa  Mayna dhalin hooya anagoo kale ah?

Dareenaka xaga jinsiga ah waa mid laga rabo inuu xagameeyo qofka donaaya inuu ku xad gudbo jinsiga kale taasina uu kari karo qofka Jecel inuu ku Xad Gudbo Qof walaashii oo kala ah .

Haweenka lagula kaco Kufsiga waxaa mararka qaar ku dhacda inaan helin dad garab istaga ilaa heer Maxkamadeed oo Xaqeeda u doodaa walaw halka Qaar ayna helinba Dad wax kala Qabta dhibaatada ay martay.

waxaa jira in maraka qaar la afduubto qofka haweenka kadibna laga ganacsado jirkooda ama Naftooda iyadoo qaarkoodna laga weebsado wadanada dariska la ah Goobta laga afduubtay.

Bilooyinki u dambayay waxaa yaraaday Falalkii lagula kacayay Haweenka haba ugu badnaatee Falka Kufsiga ah oo in muda caado ka noqday Qaar kamida deeganada Dalka.

Waxaa Diyaariyay Wariye Siciid Mahad Maxamed ( Siciid Amoore)
Gmail:- Saidmahad10@gmail.com
Bosaso,Puntland Soomalia.

About The Author