Ciidamadii ay DFS ka dhisaysay Gobolada dhexe oo qabiil u kala baxay

26 Nov 2015 (Puntlandes) Ciidamo ay DFS, oo taageerta maamulka Galmudug ee aan waafaqsanayn Dastuurka, ka dhisaysay gobolada dhexe, Ciidankaas oo ay DFS kusoo ururisay Duleedka degmada Cadaado kuna magacawday Ciidanka Xooga ee Qaybta 21aad.

Xalay ayaa DFS oo colaad ka hurinaysa Gobolka Mudug waxay ku amartay Ciidankaas inay Xaafada Baraxleey ee koonfurta magaalada Gaalkacyo iska xaadiriyaan oo ay la dagaalamaan Puntland.

Intaas kadib ayaa warar soo gaaraya WarbaahintaPuntlandes waxa sheegayaan in qaar ka mida Ciidankaas oo kasoo jeeda Degmada Caabudwaaq ama Beesha Mareexaan ay diideen inay aadaan koonfurta Gaalkacyo, halka ay kuwii ay Xasan Shiikh isku Beesha ay ahaayeen ay u hogaansameen amarka DFS.

Sidaas ayuuna Ciidankii qaab Qabiil ugu kala baxay.

About The Author