Raysul Wasaare Sharmarke oo maanta ka baaqday Safarkii Gaalkacyo

26 Nov 2015 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke oo lagu waday inuu maanta yimaado magaalada Gaalkacy oo ay Xiisan Colaadeed ka taagan tahay ayaa ka baaqday Safarkii uu Gaalkacyo ku iman lahaa.

75e

Laba garanayo sababta uu uga baaqday inkastoo warar sheegayaan inuu Berri imaan doona Gaalkacyo, halka ay dad badan oo Reer Puntland ay aaminsan yihiin inuusan waxba soo kordhinayn imaanshihiisu maadaama uu qayb ka yahay DFS ta taageerada Hub iyo dhaqaale siisa maamulka aan Dastuurka waafaqsanayn ee Galmudug.

Dhanka kale waxaa cad oo la og yahay inay Kooxda ka talisa Villa Somalia ee DAMUL JADIID ay waqti badan baabulaysay inay dagaal ka rido Gobolka Mudug ee Puntland. DFS iyadaa Ciidamada kusoo daabushay Xaafada baraxleey ee koonfurta Gaalkacyo iyadoo ka leh ujeedooyin siyaasadeed oo guracan.

Puntlandes.com

About The Author