Maqaal: Haddaan dhismayaasha waddoooyinka ku dagaalamayno maxaan heshiis ku nahay?!!

Gobollka Mudug  wuxuu  dhaca  bartamaha Soomaaliya  waa  Gobol  muhiim u ah  dhammaan ummadda Soomaaliyeed   maarka   loofiirsho isku xirka Gobollada Soomaaliya ee  waqooyiga iyo koonfurta  daggaal mudug  ka dhacaa   wuxuu  dhaawacaya   dhamman  ummadda Soomaaliyeed min waqooyi min  koonfur ilaa  Galbaadka..

 

Soomaalidu waxay ku maahmaahda  Nin geeliisa  dhacaya looma hiiliyo)`  waxaan ula jeeda Soomaalidu haddii  ayku dagalamayaan  waddo la  dhisaayo sidee adduunyadu innoo caawin kartaa??..

 

Daggaalka Gaalkacayo   ku dhex maray  Puntland iyo Galmudug  sida dhabtaa wuxuu ka bilowday  waddo la dhisaayo oo  laamiga dheer ee  waqooyiga iyo koonfurta isku xira uga dhacaysa  koonfur galbeed Gaalkacayo  oo waliba laami la saaraayo   waxaan lasoconaa  Ummadda Soomaaliyeed inay   u, ooman yihiin ama u baahanyihiin  in la dhiso kaabayaasha bulshada  sida Waddooyinka  Cisbitaaladda iwm.. laakiin  haddii  lagu dagaalamo  waddo  la dhisaayo   maxay Soomaali ku heshiinaysaa?..

 

Haddiise  Puntland  waddo dhisto  oo  laami saarto  oo  garsiiso ilaa  bartamaha Soomaaliya  ama  Cadaado ama Hiiraan,  maxay tahay  dhibaatada  ka imaan karta??  faa’iido mooyee   soo hormar  ummadda Soomaaliyeed  gaar ahan Gobolka Mudug u soo kordhay mahan??, haddii   dhismaha waddanka lagu dagaalamo  ma waxaan ku heshiin doona  burburinta waddanka??..

Nabad  ayaa naas lanuugo leh waa xigmad Soomaaliyeed  Gaalkacayo  waa goob nasiib badan haddana  waa goob nasiib xun   haddii aan kala qaado  waxay ku nasiib wacan tahay  waa  Gobolka ama goobta isku xirta waqooyiga Soomaaliya iyo Koonfurta waa  Gobol ku yaal  meel istiraatiijiya),  wuxuu  isku xiraa Soomaali oo dhan  ka soo bilow dhanka  Soomaali  galbeed  waqooyi iyo Koonfur iyo bari..

Haddana waa gobol nasiib daran ama  nasiib  xun waayo   waxaa  lagu  dagganyahay  Qori caaradiis    waxaa marwalba  Mudug ka dhaca daggaal micno daraa  waxaana  naftooda ku waayo  Carruur  Haween iyo  masaakiin aan  waxba galabsan  yaa qaadaya mas`uuliyaddaas??..

Gobolka Mudug  wuxuu  soo maray  dhabatooyin badan oo uu kala sinaa  Gobollada  Soomaaliya qaybtood   wuxuuse u gaara  inaysan jirin isku kalsooni  ka dhaxaysa labada dhinac ee Waqooyiga iyo Koonfurta    waxaana mar kastaa  ku soo noq noqda  daggaal aan  lahayn ujeeddo  iyo hadaf..

Waxaan ku soo koobaya  wixii nabad lagu waayo  wallee  inaan  daggaal lagu helayn   waxaan wax garadka dhalinta  iyo  maamuladda Gaalkacayo ka taliya    ugu baaqayna inay  nabada ka shaqeeyaan inay colaad ka fogaadaan  wixii is maan dhaafana lagu dhameeyo  gogol  iyo wada xaajood..

Nabad  ayaa naas la nuuga leh

Colaad  wiil kuma dhasho ee  wiil iyo gabar ayaa ku dhintaa

Ummad  gogosheed  waa nabad

 

Cabdinuur Faarax Maxamuud

Guuleed72@hotmail.com

About The Author