Wasiir Cali C/lahi Warsame oo Shaqo aad fiican ka wada Deegaanka Puntland

26 Nov 2015 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Deegaan, Dalxiiska & Duur Joogta Puntland Cali cabdulaahi Warsame ayaa sidii laga filayey waxa ku hawlan yahay wxa ka qabashada dhibaatooyinka hatsta Deegaankeena oo u baahan waqtigan xaadirka ah in la badbaadiyo.

159a2

Maanta ayaa Wasiirku waxa uu Gollaha Xukuumadda Puntland horgeeyey in Puntland laga sameeyo Ciidanka ilaalinta Deegaanka, iyadoo dood dheer ka dib Shirkii maanta ee Gollaha Wasiiradda Puntland ee uu Gudoominayey madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas lagu ansixiyey in la sameeyo Ciidanka ilaalinta Deegaanka Puntland.

Ciidanka ilaalinta Deegaanka Puntland ayaa waxaa la filayaa inuu wax wayn ka qaban doono la dagaalanka dadka sida Sharci darada ah u Xaalufinaya Deegaanka Puntland. Ciidankan ayaa Puntland waxay u qabtay baahi aad u wayn, iyadoo aysan Hindisin Wasiiradii ka horeeyey Wasiir Cali Cabdulaahi Warsame.

Dhanka kale Wasiir Cali ayaa waxa uu isla maanta hor geeyey Gollaha Wasiiradda Xeer sheegaya in Canshuur saa’id ah la saaro Alaabta aynu Dibadda ka keensano waxyeeleeyana Deegeenkeena, taasoo iyana ah Hindise iyo shaqo aad u wacan oo uu Wasiirkiu kusoo kordhiyey Puntland.

159aa

Warbaahinta Puntlandes ayaa markii madaxweyne Gaas magacaabay Wasiir Cali Cabdulaahi Warsame waxay Qortay maqaal ay kaga hadashay in Wasiirkii dhaqaajin lahaa Wasaaradda Deegaan, Dalxiiska & Duur Joogta uu iminka u yimi, lagana filan karo ínuu wax wayn u qabto kuna soo kordhiyo Deegaanka Puntland oo Saamaynaya Ruux kasta oo reer Puntland iyo Jiilasha soo socda, halkan ka akhriso Maqaalka.

Puntlandes.com

About The Author