Dhegayso: Waan waantii laga waday Gaalkacyo oo burburtay & Puntland oo ay Odoyaasheedu taladii ay ku cesheen

27 Nov 2015 (Puntlandes) Nabadoon Raage Maxamuud Gaani oo ka mida waxgaradka reer Gaalkacyo ayaa waxaa uu si rasmi ah u sheegay inay burburay waan waantii maalmahaan ay wada wadeen waxgaradka Puntland & Galmudug ee Gaalkacyo, isagoo sheegay inay  Odayaasha Galmudug ay lasoo xariireen ayna si cad ugu sheegeen inay ka baxeen waan waantii dhankooda.

159b2

Nabadoon Raage Maxamuud Gaani oo sheegay inay dawladda Puntland dib ugu celiyeen wuxuuna yiri ”Arintii waxaan ku celinay Puntland waxaana u sheegnay in aanaan hayn cid Nabada nagala shaqaynaysa”

ay ku mashquulsanaayeen.

Nabadoonka ayaa si cad ugu sheegay shacabka iyo dawladda Puntland inay inay arintan ay ka gun gaareen aysana hayn wax xal ah waqti fiicana ay siiyeen in nabad lagu soo dabaalo.

Dhanka kale Nabadoon Raage ayaa sheegay in meesha wadada Laaamiga ah ay Puntland ka dhisaysay ee ay Galmudug soo weerartay ay tahay dhul Puntland  ayna maamusho Puntland, Galmudug na ayna wax shaqo ah ku layn dhulkaas.


Puntlandes.com

About The Author