FAALO: Daawo Faroole oo eedeeyey Gaas sheegayna inuusan talada kaligiis lahayn!!!

30 Nov 2015 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magalaada Garowe ayaa eedeeyey madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, wuxuuna sheegay inuusan talada  Gaas kaligiis lahayn ee “isaga” iyo dad kale la …!!!

Faroole ayaa waxa kaloo uu sheegay inuu kala xiriiray Beesha Caalamka oo uu u horeeyo Amb Kay Colaada Gaalkacyo, mana sharxin waxa uu kala hadlay. Waxaana xusid mudan inuusan marna afkiisa soo marin Sharcinimada maamulka aam Dastuurka waafaqsanayn ee ka kooban Gobolka iyo Barka ee Galmudug, wuxuuna ugu yeeray labada dawladood isagoo barbar dhigayey dawlada Puntland.

Waxaa kaloo xudid mudan in Faroole oo dana siyaasadeed oo raqiis ah ka leh inuu ahaa madaxaweynihii Puntland ee aqoonsaday Galmudug ayna waliba caasimad u tahay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Maanta dhibka taagan waxaa la oran karaa waxaa sabab u ah Aqoonsigii Faroole ee waagaas.

Hadalka Faroole kuma uusan sheegin ka hadal wixii Gaalkacyo ka dhacay iyo cida gardarada wax ku laysan ee wuxuu ku wajahnaa oo kaliya madaxweyne Gaas, waxay nijab ku noqotay dad badan oo uqabay inuu Faroole si fiican sida Gaas ku maarayn lahaa Mushkilada ka taagan magaalada Gaalkacyo.’

Faroole ma holmaamay inaan Shukaanta lala haysan markuu dalka madaxweynaha ka ahaa? Haddii hadlayana waxay ahayd inuu ku hadlo afka reer Puntland ee ma ahayn inuu ku hadlo afka Xasan Shiikh iyo Kooxdiisa DAMUJ JADIID.

Halkana ka dhagayso shirkii jaraa’id ee Faroole oo dhamaystiran

Puntlandes.com

About The Author