Dagaalka Gaalkacyo, Kulamada nabadeed waxa laga filan karo iyo Xukuumadda Gaas waxa uga aadan arrintaas.

Waxaa soo noq noqotay Dagaal joogta ah oo lagu hayo shacabka nabadda jecel ee mudug. Waxaa caado noqotay in xaafadaha Gaalkacyo hoobiyeyaal lala dhaco. Iyadoo taasi jirto baa hadana la sheegaa in uu jiro, heshiis laga gaaray nabad kuwada noolaanshaha magaalada iyo Mudug oo dhan.

Sida aynu la socono waxaa heshiis ku saabsan in magalada la wada degenaado lagu gaaray Xamar 4tii bishii June ee sanadkii 1993dii. Heshiiskaas waxaa kala saxiixday Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Maxamed Farax Caydiid. Heshiiskaas oo  bilow u noqday joojinta dagaalkii tooska ahaa ee u dhaxeeyey beelaha Daarood iyo Hawiye ee kuwada dhaqnaa gobalka Mudug.

Heshiiskii Mudug

Heshiiskaas oo 15 qodob ka koobnaa wuxuu u qornaa si ku haboonayd oo keliya wadcigii markaas jirey. Wadcigaas oo ahaa in la filayey in hal maamul uu Soomaaliya oo dhan ka hirgalo. Maamul dhexe iyo Gobolo si xor ah u hoos taga Xamar.

Heshiiskaas waxaa ka mid ahaa in ay dhulka Soomaalidu ay wada leedahay oo la wada degi karo, in mushkiladda dhacda aan xoog loo adeegsan, in uu jiro iskaashi iyo wada noolaansho si tartiib tartiib ah ku yimaada, in diinta iyo dhaqanka la xushmeeyo, in hantida muuqata la isu celiyo iyo qaar kale oo kuwaas la mid ah.

Wadciga Maanta

Wadciga maanta jira ma aha kii 1993. Waxaa la qaatay nidaamka federaalka ah, (walow Xamar laga la´yahay ku dhaqankiisa ). Midaasi waxay keentay, shuruudo  hor leh oo kusaabsan xukun iyo maamul mid kastaa uu yeesho xudduud cayiman iyo dhul aan lagu haysan oo uu maamulkaasi ka taliyo. Waxaa jira arrimo dhaqaale oo aan looga marmayn in uu maamul kasta ogyahay waxa uu leeyahay.

Iyadoo ay shuruudahaasi jiraan baan hadana waxaan haysannaa, dawlad federaal ah oo qabiil gooniyihi leeyahay, ama u adeegta hal qabiil. Middaas oo si aan dhuumasho lahayn uga qayb qaadatay, dhisme maamul aan sharci ahayn. Waxaa maamulkaas dhisiddiisa  lagu bixiyey maal iyo muruq ay ahayd in uu u dhexeeyo Sooaali oo dhan. Isla Dawladdaas oo iyadoo adeegsanaysa awoodii dawladeed bay si bareer ah uga hortimid maamulada kale ama hore ha u jireen ama gadaal haka dhismeene.

Marka arintaan iyo duruufahaan la eego “heshiiskii 1993”  ma aha wax keeni kara nabad waarta.

Xukuumadda Gaas iyo habacsanaanta arrintaan

Tan iyo intuu xukunka qabtay Madaxweyne Cabdiweli Gaas waxaa muuqatey, u dabacsanaan iyo dhago nuglaan  ku aadan Xukuumadda xamar. Xukuumaddaas oo markasta hurineysey dagaal iyo in ay sitoos ah uga hortimaado maamulka Puntland iyo danaha shacabkeeda. Xukuumaddas oo sida aynu kor kusoo xusnay iyadu sida tooska ah ugu adeegta halka qabiil.

Waxaa in badan dhacday in uu Cabdiweli Gaas uu khudbadihiisa ku sheego in aanu aqbalayn waxa ay go´aamisay dawladda Xamar. Isagoo og dhaliilahaa cad cad ee ay ku eedaysantahay.

Maalmo kadib waxaa caddaata in uu aqbalay wixii uu sheegay in uusan aqbalayn. Middaas oo markasta reer puntland dhabar jab ku noqoneysey dan kasta oo ay lahaayeen. Iyagoo markii danbe qaatay fikradda ah in danahoodii laga iibshey Xamar.

Sida aan sheegnay waxaa jira Aamin bax weyn oo reer Puntland  ka aamin bexeen balanqaadka aan runta ahayn ee maalin kasta uu sameeyo  Madaxweynaha Puntland. Taa oo  keentay in su´aali ka taagantahay cidda uu sida rasmigaa ugu shaqeeyo  Cabdiweli Cali Gaas.  Iyadoo taasi jirto ayaa hadda la filayaa in uu shir  ku saabsan xal u heliddu uu ka dhaco gaalkacyo.

Hadda maxaa xal ah?

Shacabka Puntland ee Mudug waxaa la gudboon in ay isha ku hayaan waxa kasoo baxa shirarka loo fariisanayo Gaalkacyo. Waa in ay shirkaas kasoo baxaan oo keliya in xudduud maamul oo rasmi ah lagu asteeyo. Waa in la caddeeyaa in heshiiskii 1993 uusan la jaanqaadayn wadciga jira. Qolo walba waa in ay mas´uul buuxda ka tahay xudduudkeeda iyagoo aan kala tashanayn ama waxba ka waydiineyn kuwa kale.

Xukuumdda Gaas ee is bedbedelka badan

Sida aan kor ku soo sheegnay wuxuu Madaxwenaha Puntland aalaa sheegaa wax uu hadhow si kale u maamulo. Iyadoo u taas ka ambaqaadayo ayuu xalay  soo dhigay bartiiisa Facebook:ga, In uusan la fariisandoonin Cabdikariim Xuseen Guuleed. uusanna maamul u aqoonsanayn.

Hadaba iyadoo la tix gelinayo sida hadalada iyo balanqaadyada Gaas shacabku quusta uga taaganyihiin waxaa la gudboon sida tan.

Looma baahna in aan wad wadno waxa uu sheegayo ee waa in uu fuliyaa arrintaan. Ama hala kulmo ama yuusan la kulmine waa in la helo hal arrin oo keliya.

In haddii la heshiinayo, uu heshiisku noqdaa mid labo maamul, kaas oo qeexaya halka xudduudu marto. In haddii hal xabo oo danbe kasoo dhacdo Xaafadda Baraxley in lagu kala guuro magaalada oo markaas ay Xudduudoodu noqotaa Xaarxaarka iyo Saddex higlo. Intaas wixii ka baxsan cidna u hogaansamimayso oo dadka Mudug wakiil ugama aha Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,  maamul danbe oo ay isku halleeyaanna yuusan jirin.

1106

 

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

 

Daabacaadii: Puntlandes.com

About The Author