Sawiro: Madaxda Gaalkacyo ku sugan oo Booqday meelaha laga kala qaaday ciidamadii Galkacyo ku diriray

5 Dec 2015 (Puntlandes) Wafdi Balaaran oo ay hogaaminayaam madaxda kala ah Raysul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, madaxweynayaasha kala ah Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,Axmed Madoobe iyo Cabdikariim ayaa maanta Qoax dhicii booqday goobahi fariisimaha u ahaa ee laga qaaday ciidamada is horfadhiya ee ka tirsan Puntland iyo maamulka Galmudug ee Cadaado.

U jeedada Booqadashadan ayaa ahaa in la hubiyo qaabka loo fuliyay howlihii loo xilsaaray guddiga kala qaadista ciidamada, waxayna tageen goobta ah Kantroolka Koonfureed ee Gaalkacyo.

Guddiga loo Xilsaaray ayaa waxay  sheegeen in la qaaday dhammaan ciidamadii la faray in goobta laga banneeyo, iyagoo carabaabay inay jiraan kuwa wali harsan, iyagoo sheegay in wixii haray la dhammaystiri doono berri  06 Dec, 2015.

Barri ayaa la qorshaynayaa in dhammaan wufuudu tagaan, wixii dhimanna ka wada hadlaan Gaas iyo C/kariim. Xaaladda Gaalkacyo ayaa haatan dagan.

4

4aa

4a

About The Author