Sawiro: Akhriso-Warmurtiyeedkii Shirka Golaha Wasiiradda Puntland oo Gaalkacyo lagu qabtay

5 Dec 2015 (Puntlandes) Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo Gaalkacyo lagu qabtay ayaa waxaa looga dooday, go’aamana looga soo saaray Qodobadan:

  1. Amniga Dalka
  2. Dhacdadii Gaalkayo
  3. Ansixinta Miisaaniyadda Dawladda
  4. Xeerka Tayo Dhawrka Puntland

1-Amniga Dalka: Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland ayaa waxay sugeen in amniga Puntland guud ahaan uu wanaagsan yahay!

2-Dhacdadii Gaalkayo: Dhacdadii Gaalkayo ayaa Golaha Xukuumadda Puntland waxay ku tilmaameen wax laga Xumaado in ”Horumarkii magaalada Gaalkacyo uu galay hakad isla markaana ay soo gaarto Shacabka Gaalkacyo Khasaare Naf, Maal iyo Barakac ah”

Waxaa kaloo warmurtiyeedka kasoo baxay Xukuumadda Dawladda Puntland lagu sheegay in ay Dawladda Puntland ay doonayso in si buuxda looga wada hadlo cidda mas’uulidda leh oo  ka dambaysay dhibaatadaas.

Dhanka kale waxay Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland soo dhaweeyeen dadaalada nabadeed ee socda iyo sidii loo heli lahaa Deganaansho buuxa iyo xasilooni ka hirgasha magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland  kuma aysan soo Qaadin warmurtiyeedkooda maamulka Gobol iyo barka sheegta ee uu C/kariim madaxda ka yahay.

3-Ansixinta Miisaaniyadda Dawladda: Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland waxay ansixiyeen Miisaniyadda Dawladda Puntland ee 2016ka ee ay Wasaarada Maaliyadu soo gudbisay, lamana sheegin Cadadkeeda  inkastoo lagu sheegay warmurtiyeedka inay isugu jirto koror Miisaaniyadeed iyo Odoras Qiyaaseed Sugan. Waxaa kaloo lagu sheegay warmurtiyeedka in ay ka filayaan Bangiga Aduunka inuu qayb ka qaato Mushahaaraadka Shaqaalaha dalka sanadka 2016ka.

4-Xeerka Tayo Dhawrka Puntland: Ugu dambayntii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland Xeerka Tayo Dhawrka Puntland.

1a

IMG_5113IMG_5109IMG_5109IMG_5113

 

 

 

 

 

 

 

 

About The Author