Puntland oo Aqalka Hoose ka heshay 42 kursi!!

31 May 2016 (Puntlnades) Shirkii Muqdisho uga socday Madasha Wadatashiga ee sida faahfaahsan loogu lafagurayey Hanaankii Doorasho ee madaxda Soomaalidu ay ku Heshiiyeen 3dii april Garowe iyo 12kii april Muqdisho ayaa qodobadii lagu go’aaminayey waxaa ka mid ahaa inta Xubnood ee ay ka helayso inta Dawlad Goboleed kasta ka helayso Aqalka Hoose ee Baarlamaanka, iyadoo horay loo go’aamiyey inta Dawlad Goboleed kasta ka helayso Aqalka Sare.

221-1a1

Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa waxaa uu ka kooban yahay 275 Kursi, waxaana lagu qaybiyey Shirka Muqdisho inta Xubnood ee Dawlad Goboleed kasta ka helayso ka helayso tirada guud.

Warbaahinta Puntlandes ayaa XOG hoose ku ogaatay inay Puntaland ka heshay 42 Xubnood, taasoo u dhiganta 15,3% maadaama ay tirada guud tahay 275 Kursi.

Warbaahinta Puntlandes waxay kaloo iminka ku Mashquulsan tahay inay hesho tirada Kuraasta ay Dawlad Goboleed kasta ka heshay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

Aqalka Sare ayaa loo kala helay sidatan:

  1. Puntland: 11 Kursi
  2. Somaliland 11 Kursi
  3. Jubaland: 8 Kursi
  4.  KGS: 8 Kursi
  5. Galmudug: 8 Kursi

isugayn waa 54 Kursi

Dhawaan ka filo Warbaahinta Puntlandes warar ku saabsan sida loo qaybyey Aqalka Hoose

Puntlandes.com

About The Author