Madaxweynaha Turkiga oo Muqdisho Booqasho ku imaanaya Jimcaha

31 May 2016 (Puntlnades) Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqasho ku imaanaya Magaalada Muqdisho maalinta Jimcaha ah, iyadoona ay maanta soo gaareen magaalada Muqdisho ilaaladiisa gaarka ah iyo wafdi hor dhac u safarkiisa.

AK PARTI GENEL BASKANI VE BASBAKAN RECEP TAYYIP ERDOGAN

Madaxweyne Erdugan ayaa u imanaya magaalada Muqdisho inuu xarriga ka jaro safaaradda Turkiga uu ka dhisay Muqdisho, taasoo ah safaaradda ugu weyn ee Qaaradda Afrika uu ku  leeyahay Turkigu.

Waxay noqonaysaa markii 3aad ee uu madaxweyne Erdugan yimaado magaalada Muqdisho tan iyo sannadkii 2011kii xilligaas oo isaga iyo qoyskiisa ay u yimaadeen muqdishoa siddii loo caawin lahaa dadkii abaaraha ku xoola beelay.

Puntlandes.com

About The Author