Wararkii u dambeeyey ee Shirka Muqdisho

31 May 2016 (Puntlnades) Shirkii Muqdisho uga socday Madasha Wadatashiga ee Hanaankii Doorasho ayaa waxaa lagu Heshiiyey dhamaan qodobadii lagu soo qaaday Shirkaas.

224-4a

 

 

Sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes waxaa sidiisii loo daayey Aqalka Sare loo qaybiyey, iyadoo madaxda qaar ay Miiska keeneen in Muqdisho lagusoo daro qaybta laakiin taasi ma noqon mid socota maadaama horay Heshiis looga gaaray arintaasi.

Dhanka kale Qodoba lagu Heshiiyey waxaa ka mid ah Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo ka kooban yahay 275 Kursi, in loo qaybiyo qaab Dawlad Goboleed, iyadoo ay Puntland heshay 42 Kursi oo Aqalka Hoose ah.

Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay ilo lagu kalsoon yahay ka ogaatay in Muqdisho ay soo gaarayaan maanlaha soo socda Wufuud kala duwan, iyadoo la qorshaynayo in Shirka Madashu soo gabagaboobo intaysan madaxdaasi dalka imaan.

Wararka kusoo kordha kala soco Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author