Dhagayso:-Dowlada Puntland Oo Hay,ado Heer Caalami Ah Gaysay Goobaha abaaruhu Ka Jiraan Si Qiimayn Loogu Sameeyo

Hado her calami ah iyo wariyaal caalami ah ayaa tagaya gobolada Puntland ee abaaruhu ka jiraan iyagoo qiimayn kusoo samaynaya xadiga abaarta ee xiligaan ka jidha deeganadaas iyagoo booqanayan dhulka miyiga ah ee xiligaan abaaruhu ka jiraan.

Madaxa arrimaha bini’aadantinimada iyo xiriirka dadweynaha ee HADMA Cabdicasiis Diiriye Xuseen waxaa uu sheegey in ay gaayeen degmada dangoroyo gaar ahaa tuulada uus gure waxaana madaxdaana arkeen baqtiga xoolaha ee halkaas yaal iyagoona dadkii soo xaroodey la hadlay.

Masuuliyiinta meeshaas tagay waxaa kamida masuulka ugu sareeya hay,ada FAW waxaana markii ay arkeen xadiga abaarta jidha ay sheegeen inay si deg dega jawaab uga bixinayaan xadiga abaarta ee heerkaan gaadhay ayna sii wadayaan gurmadka.

Masuliyiinta ka socda hay,adaha caalamigaa ayaa waxaa ay qiimayn doonaan abaarta jidha iyagoona dalbi doona gurmadyo caalami ah kuwaasi oo laga sameeyo deegaanada abaaruhu ka jiraan oo ay wali kusugan yihin dad iyo duunyo laga hayaamay.

Hoos ka dhagayso

About The Author