Guriga Murashax Cumar Cabdirashiid, Oo ku Sugan yihiin, Murashax Sheekh Shariif, Raisal-Wasaare Saacid, Shariif Xassan Sheekh Aadan

6 jan 2017 (Puntlandes) Warar lagu Kalsoon yahay ayaa sheegaya Qabsoomida Shir Xasaasi ah oo Hadda ka socda Hoyga Raisal-Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Shirkaan oo Galabta Ilaa Caawa Socda ayaa looga Arrinsanayaa Doorashada Dalka oo lagu wado Maalinta Arbacada inay Mogadishu ka dhacdo. Shirkaan oo Caawa ka socda Hoyga Murashax Raisal-Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa ku sugan, Murashax Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Raisal-Wasaarihii hore ee Soomaaliya Saacid Shirdoon Iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Lama oga waxa ay ka Wada Hadalayaan Walow loo Fasiran karo Is-Gaashaanbuureysi Culus oo dhex-mara Murashaxiina Safka hore.

Kulankan ayaa Muujinaya Culeyska Siyaasadeed ee uu lee yahay Raisal-Wasaare Cumar Cabdirashiid oo u muuqda Murashaxa Hormuudka u ah Murashaxiinta Kulanka.

Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa Caawa Isha ku haya Shirka ka Socda Guriga Murashax Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Daawo sawirradda
IMG-20170206-WA0050
16521816_10210611107888369_371322306_n

16523139_10210611120608687_737880912_o

16523379_10210611120288679_934232085_o
Puntlandes.com

About The Author