Dhagayso: Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Barlamanka Puntland oo beeniyay warar been abuur ah oo laga faafiyay

28 feb 2017 (Puntlandes) Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Puntland Xuseen Xaaji Yaasiin Diiriye ayaa si adag u beeniyay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha Bulshada, oo ku saabsanaa inuu ka hadlay xaaladaha siyaasadeed ee Puntland.
234-2b4

Guddoomiye ku xigeenka oo wareysi siiyay Saxaafadda ayaa sheegay inaanu ahayn qofka warkaasi qoray ama lagasoo xigtay, isagoo sheegay inay arrintaan ka dambeeyaan dad fidno wadayaal ah oo doonaya inay sumcadiisa hoos u dhigaan.

“Meel aan kaga hadlay ama madal aan ka sheegay warka la iga faafiyay ma jiraan, waxa sidaas qorayna waa dad aan  ilaaheey ka cabsanayn,”ayuu yiri Xuseen Xaaji Yaasiin Diiriye, guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Puntland.

Dhagayso guddoomiye ku xigeenka

Puntlandes.com

About The Author