Madaxweyne Farmaajo oo Ku Dhawaaqay Xaalad Musiibo Qaran

28 feb 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay xaalad Musiibo Qaran, si wax looga qabto arrimaha bani’aadannimo ee ka jira dhammaan goobaha ay abaaraha saameeyeen ee dalka Soomaaliya.

233-9c1

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu Bulshada Caalamka ka codsaday inay si deg deg ah uga jawaabaan musiibadan, si loo caawiyo qoysaska iyo shaqisyaadka ay abaaruhu saameeyeen.

Tallaabadan ayuu madaxweynuhu sheegay inay muhiim u tahay in laga fogaado musiibo bani’aadannimo oo dalka ka dhacda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir caalami ah oo Beesha Caalamka ay ka qeyb-gashay, kaasi oo looga hadlayey sidii looga jawaabi lahaa abaaraha ka jira Soomaaliya.

Farmaajo ayaa dhinaca kale ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo qurbo-joogta inay ka qeyb galaan dadaallada looga soo kabanayo abaaraha, si loo yareeyo saameynta abaaraha ee dalka.

Puntlandes.com

About The Author