DAAWO Qiso cajiib ah Duqa magaalada Qardho iyo Xoolaha Abaartu hayso.

21 marso 2017 (Puntlandes) Wariye Abshir Dhiirane oo ka mid ah suxufiyiinta ka hawlgasha deegaanada Puntland ayaa soo tabinaya qiso cajiib ah oo uu kula kulmay tuulada la yiraahdo ADEEGO oo ka tirsan Degmada Qardho ee xarunta Gobolka KARKAAR qiso cajiib ah ka dib markii uu arkey Duqa magaalada Qardho oo gacmihiisa ku waraabinaya mid ka mid ah xoolaha la yiraahdo Idaha ama LAX Oon/Haraad darteed dhulka uga kici wayday.

234-5c4

Gudoomiyaha Degmada Qardho Cabdi Siciid Dheere ayaa ugu baaqay qeybaha bulshada inay ka gacan siiyaan culays baaxad weyn leh oo ay soo saareen deegaano hoosyimaada maamulkiisa qoysas fara-badan oo dib uga soo hayaamay deegaanadii kal hore loo naq raacay.

Gudoomiye Cabdi Siciid ayaa faahfaahin ka bixiyay meesha ay cuskanayso xaajadu iyo dadaalka maamulkiisu ugu jiro dejinta iyo samata bixinta dadka iyo duunyada la dacdareysan abaaraha adag ee ka jira Gobolka Karkaar gaar ahaan deegaanada hoos yimaada Degmada Qardho.

Dhinaca kale Cumar Maxamed Jaamac oo ka tirsan masuuliyiinta Wakaalada Biyaha Puntland (PSAWEN) ayaa ka warbixiyay dadaal wakaalada biyaha Puntland (PSAWEN) ay ugu jirto habeen iyo maalin sidii gurmad biyo dhaan ah loogu samayn lahaa  dadka iyo duunyada ay saameeyeen abaaruhu.

Daawo qisada cajiib ah

Abshir Dhiirane

About The Author