Midowga Mushararaxiinta oo soo dhoweeyay howlaha Guddiga Xaqiiqa Raadinta

09 June 2021 (Puntlandes) Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhoweeyay shaqada hordhaca ah oo ay qabteen Guddiga xaqiiqo raadinta ah ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ee loo xil saaray kala shaandheynta xubnaha dacwada laga keenay ee guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed si looga saaro xubnaha shaqaalaha rayidka, saraakiisha ciidanka iyo xubnaha kale ee Khilaafka uu ka taagnaa.

Midowga Musharaxiinta ayaa soo jeediyey si shaqada guddiga xaqiiq raadinta ay u noqoto mid keenta xal mira dhal oo dhaqan gala, wuxuu Golaha dalbaday in guddiga si daah furan oo madax bannaan u soo bandhigo habraaca iyo hannaanka loo maray kala shaandheynta xubnaha guddiyada doorashada.

Sidoo kale Midowga Musharaxiinta ayaa dalbaday in magacaabista xubnaha cusub ee guddiyada doorashada ay noqdaan kuwo loo maray habraac iyo hannaan daah furan oo ku saleysan habraacyadii iyo heshiisyada doorashooyinka, si looga hortago in mar kale ay guddiyada doorashada ka mid noqdaan xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka ee dowladda, ciidamada iyo xubno taageerayaal u ah shaqsiyaad gaar ah.

Dhawaan ayaa guddiga xaqiiqa raadinta waxa ay shaaciyeen illaa 34 xubnood oo ka mid ahaa xubnihii dacwada laga keenay inaysan guddiga ka sii mid ahaan karin lana bedelayo.

Akhriso qoraalka Midowga Musharaxiinta

About The Author