Sawirro: Madaxweyne Deni oo kormeeray Dhismaha Cusub ee Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland oo meel gebogebo ah maraya

Filed under: Wararka maanta |

10 June 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray Dhismaha Cusub ee Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland oo meel gebogebo ah maraya.

Madaxweynaha oo ay kormeerkiisa ku weheliyeen Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, ayaa warbixin ka dhegaystay Madaxda Bangiga dhexe iyo khuburada dhismaha gacanta ku haysa.

Dhismaha cusub ee banigaga dhexe ee Dowladda Puntland dhammaan kharashka ku baxaya Dowladda ayaa bixisay, wuxuuna ka midyahay xarumaha hay’addaha dowladda
ee lagu wado horumarinta.


Puntlandes.com