Waalidiin Banaanbax ka dhigey magaalada Muqdisho

10 June 2021 (Puntlandes) Qaar ka mid ah waalidiinta carruurtooda tababarka loogu direy dalka Eritrea ayaa saaka ka dhigay banaanbax ay ku dalbanayaan in carruurtooda dib loogu soo celiyo dalkooda.

Waalidiintan oo watay boorar ay ku qoran yihiin halku dhegyo ay ku dalbanayaan in ilmahooda dowlada meel ugu sheegto amaba ay dalka ku soo celiso.

Mid ka mid ah waalidiintan ayaa sheegay in labo dhalinyaro ah oo midna uu aabbe u yahay midna uu adeer u yahay ay kamaqan yihiin markii horena loo sheegay in dalka Qadar la geynayo balse la geeyay dalka Eritrea illaa iyo hadda uusan ka warqabin inay nool yihiin iyo inkale.

Dhawaan ayaa waxaa warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay lagu sheegay in ay ogaatay in ciidamo Soomaali ah oo tababar u joogay dalka Eritrea ay ka dagaalameen gobolka Tigrey ee dalka Itoobiya.

About The Author