DDS: Dambiyadii dhacay xiligii Cabdi Iley oo dacwado laga soo oogayo

19 June 2021 (Puntlandes) Xafiiska xeer ilaalinta dawlad deegaanka Soomaalida Dalka Itoobiya ayaa sheegay inuu soo gabagabeeyay baaritaan ku saabsan tacaddiyadii  ka dhacay deegaankaas, xilligii uu hoggaanka hayey madaxweynahii hore ee dawlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar. ayaa sheegay in ay natiijadii baaritaankaas u gudbiyeen xeer ilaaliyaha guud ee dawladda federaalka Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa xukumayey deegaanka muddo ku siman siddeed sano, oo ka bilaabmayey 2010 illaa iyo laga gaadhayey 2018. Kaddib markii rabshado ka bilaabmay magaalada Jigjiga ay ku fideen deeganno kale oo ka tirsan gobollada bariga Itoobiya.

Waxaana uu illaa iyo hadda ku jira xabsi, iyada oo dhawr jeer maxkamad la hor geeyey. Xeer ilaalinta deegaanka waxay sheegeen, in cidda eeddan loo haystaa keliya aanay ahayn madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar, asee jiraan dad kale oo Soomaali iyo qowmiyadaha kaleba leh oo qayb ka ahaa tacaddiyadan.

About The Author