Jacob Zuma oo xabsi lagu xukumay

29 June 2021 (Puntlandes) Maxkamadda sare ee dalka South Africa ayaa madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma ku xukuntay 15 bilood oo xabsi ah.

Madaxweyne Jacob Zuma  ayaa lagu helay  in uu ixtiraam darro ku sameeyay amar ka soo baxay maxkamadda oo ahaa in uu horyimaado, si loo dhegaysto eedeymo loo heysto.

Eedeymaha loo heysto madaxweyne Zuma waxaa ka mid ah musuq-maasuq iyo fadeexooyin dhaqaale intii u dhexeysay sanadkii 2009 ilaa 2018 ee uu ahaa madaxweynaha South Africa.

Go’aanka maxkamadda dastuuriga ah ay ku amartay xarriga Zuma ayaa yimid shan bilood kaddib markii maxkamaddu ka codsatay inuu horyimaado, si wax looga weydiiyo musuq-maasuqa lagu soo eedeeyay bishii February.

About The Author