Sawirro: Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay

28 June 2021 (Puntlandes) Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhow ka furmay Teendhada Afisyooni, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shir guddoominaya, iyadoo ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, halka qadka foggaan aragga ee Zoomka uu uga qeyb galayo Madaxweynaha Hirshabelle oo ku sugan dalka Turkiga.

Shirkan ayaa looga hadlayaa dardar gelinta doorashada, wixii ka qabsoomay heshiiski bishii hore ee 27 May, waxaana mar kale Golaha Wadatashiga Qaran soo saari doonaan jadwal doorasho, maadaama mudadii 60 maalmood ee horay loo qabtay ay muddo bil qaadatay kala shaandheyntii iyo magacaabida Guddiga doorashada labada heer iyo Xalinta Khilaafaadka.

Shirkan ayaa la qorsheynayaa inuu qaato muddo labo cisho ah, si wixii farsamo ee ku saabsan arrimaha doorashada looga hadlo.


Puntlandes.com

About The Author