Rabbi isagaa awood lehe ha u naxariisto Halyey Ambassador Yuusuf Ismaaciil Bari-Bari

RABBI ISAGAA AWOOD LEHE HA U NAXARIISTO HALYEY AMBASSADOR YUUSUF ISMAACIIL BARI-BARI

Ex. Marxuum Danjire Yuusuf Mohamed Ismaaciil Bari-Bari oo ahaa Halyey aqoonyahan ah, siyaasi iyo bulshay qalbifuran oo aad ugu sarreeyey habmaamuuska iyo kartida dibolomaasiyadda gacan ka xaqdaran ayaa Mogadishu ku dishay sidii horeyba looga bartay, looguna cunay tobanaan kun oo kale oo u dhigmay Yuusuf Ismaaciil, qaarkoodna kaba siteen, jirradaasina weli Mogasishu xoog bay ku leedahay.

Waxaa aad loo tuhunsanyahay in aanay dilin Al Shabaab, balse waxay u badantahay in shirqoolka dilka Ambassadorka ninka ka dambeeyey uu yahay Xasan Sh. Maxamuud.

Xasan Sheekh waa waxmagarad iyo hungo aan wax aayatiin ah lahayn, dadkii dalku wax ku noqon-lahaana ku dhameeyey shirqool joogto ah. Isagoo sidaas ah ayuu haddana dadka ugu necebyahay inta waxgaranaysa, halkuu soo dhoweysanlahaa qaar aqoon leh oo daboolikaray kartidarradiisa qaawan.

Afka ayaa u bartay al shabaab ayaa dadka disha, waxaana xeeladdaas iyo magaca Al Shabaab ku qaraabta, dadkana ku marinhabaabiya mujrimka madaxtinimada sheegta,

wuxuuna qorsheyaashiisa uu ummadda ku gumaadayo ku fuliyaa ciidankiisa khaaska ah ee ka hawlgala madaxtooyada, marar badan ayuuna xataa ciidankiisa ku weeraray madaxtooyada, baarlamaaka iyo meelo kale waana ciidammadii aakhiro u diray Xildhibaan/Generaal Xayd, Xildhiban Feysal, Xildhibaan Saado Cali Warsame iwm.

Danjire Yuusuf wuxuu Beesha caalamka iyo dadkiisa Soomaaliyeed ku kasbaday maskax furan, aragti dheer, waxqabad muuqda, daacadnimo iyo dadaal badan, aad ayaana loogu wada hanweynaa mustaqbalka, aad iyo aad ayaana geeridiisa looga wada naxay, waana ogsoonaa in uu dhimanayo, waana dhintay markii Allaah u qaddaray, waxaana innaga waqtigan waajib innagu ah in aan ugu ducaynno Yuusuf denbidhaaf iyo liibaan aakhiro iyo halkii roon oo ah janno fardoowsa, insha Allaah.

RSWT ha u naxariisto Halyey Yuusuf Maxamed Ismaacii Bari-Bari, hoygiisa aakhiro ha ka dhigo Janno Fardoowsa, samir iyo iimaan buuxana ha ka siiyo qoyskiisii, eheladiisii, innaga oo dhan iyo Ummadda Soomaaliyeed meel ay joogaanba iyo gaar ahaan dawladda iyo shacabka Puntland oo magacooda oo qura iyo waa uu ka dhashay darteed loo dilay Halyey Yuusuf Ismaciil. (HADDAY DUNIDU RAFIIQ LEEDAHAY OO AXAD LA REEBAAYO RASUULKEENI BAAN LAGU ROGEEN CIIDDA RAYSKA-LEHE).

Waxaa xaqiiqo ah in aan dadkii anaaninimada u dallacay ee keligood ka talinaayey xamar 25kii sano ee ugu dambeeyey ay cudurro xun xun oo aan wax dawo ah lahayn ka qaadeen ummaddii

ay dulmiga iyo qabyaaladda ku dilayeen, hantidoodiina ay afka iska mariyeen, ayna uga macaanaatay wax kasta oo kale oo nicmo ah oo dunida ka jirta, welina ay doondoonayaan wax kale oo ay bilili-qaystaan, halkii laga filayey in ay bal-maruun dib u xisaabtamaan Rabbigoodna uga toobad keenaan denbyadii badnaa ee ay ku dheeraadeen intaan wiishka dhammaadka adduunka ku yeerin, kana codsadaan ummaddii ay jaahilnimada ku dhibaateeyeen cafis iyo in ay uga duceeyaan musiibooyinka ummadda Soomaaliyeed inteeda kale ka soocay, ayna iyagu ku halaagsameen ee ahaa boobka, dilka dadka, kufsiga, isbaarada miisaanka, yaan belaayo lagaa badin iyo qaranimadii ay qabyaaladda dhaafsadeen oo ay si aad ah isugu illaaween, welina ku faanaan. Cudurrada xunxun ee aan daawada lahayn waxaan ka wadaa waa cudurrada aan dhakhtarka lahayn, waana dhaqanxumada aan dhibaato ka weyni caalamka ka jirin, balse lagu ceqaabo oo keli ah kooxaha fallaagooba .

Halyey Bari-Bari waa aseebay markuu ku dardaarmay in aan lagu aasin Xamar ee loo qaado Puntland si dadkiisu ugu aasaan gurigiisa hooyo iyagoo qiiraysan, qalbigoodu furanyahay ee aan qosol, dhoollacaddayn iyo qamuunyo lagu qaabilin marxuum qaran, sida qallooca iyo dhaqanxumada xamar lala dhoobanyahay cawo iyo maalin.

Thanks Allaah, then for the United Nation sida sharafta, qadarinta iyo qiimaynta weyn leh ee madaxda ugu sarraysa Qaramada Midoobay ugu casuntay magaalada Geneva dhammaan Dibolomaasiyiinta adduunka, iyagoo halkaas ku yeeshay kulan aad u ballaaran oo taariikhi ah oo loogu tacsiyeynayey geeridii naxdinta badnayd ee sida kediska ah ugu timid dibolomaasiyiintaas saaxiibkood ex. Halyey and Ambassador Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari}.

Dibolomaasiyiintaas heerkoodu aadka u sarreeyey waxay iyagoo aad u qiiraysan, aadna uga xun dilkii waxshinimada ahaa ee Mogadishu loogu geystay saaxiibkood Ambassador Yusuf Bari-bari, ay haddana geeridiisa tacsi tiiranyo badan leh u direen xaaskiisii, carruurtiisii, eheladiisii, dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dawladda iyo shacabka Puntland.

Miyaanay caddayn in Xasan Sheekh yahay gacankudhiigle kashifmay, waajibaadyadiisii mas’uulimo, islaamnimo, aadaminimo iyo shaqsinimo gabay?

Miyaanay caddayn inuu Xasan Sheekh shirqool dil ah ku casumay Danjire Yuusuf Ismaaciil Bari-Bari, si uu uga yimaado Yurub una soo galo Xamar wuxuuna ku sasabay waxaan kugu abaalmarinayaa in aan danjire kaaga-dhigo United Arab Emirates? Markii Danjire Yuusuf ballantii soo ajiibay soona galay Xamar xasan wuxuu ka fushaday shirqoolkiisii uu hore u degsaday?

Miyaanay caddayn in Mulkiilihii Hoteelka Maka al mukarama ku eedeeyey 21kii qof ee lagu dilay Hoteelkiisa ay mas’uul ka tahay dawladda Xasan Sh. Maxamuud?

Miyaanay cadday in 5 nin oo meel ka mid ah hoteelka wada fadhiday oo uu ka mid ahaa Ambassador Yuusuf Maxamed Ismaaciil la dilay Danjiraha keligiis? Arrintaasina ma aha mid hore loogu eedeeyey ama laguba xantay Al Shabaab.

Miyaanay caddayn in Xasan Sheekh amar cad oo adag oo haddana qalad ah siiyey Ra’iisalwasaaha Cumar Cabdirashiid, amarkaas oo oranaya Garoowe uma raacikartid diyaaradda meydka Danjiraha sidda? Midda kale miyey ku habboonayd in Dr. Cumar u hoggaansamo amarkaas cadaawadda huwan iyo aragtidaas aadka daciifka u ah iyo kalsoonidarrada uu ka qabo Ra’iisal-wasaarihiisa?

WABBILLAAHI TAWFIIQ

QORE: Muuse Xaaji Abees

 EMAIL: Abees11@gmail.com 

 

About The Author