Gen Biixi oo ku dhawaaqay in la soo gabagabeeyay dagaalkii ka socday koonfurta Mudug

02 Aug 2021 (Puntlandes) Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamed Tahliil Biixi oo isagoo uu garab taagan yahay wasiirka amniga Galmudug shir jaraa’id ku qabtay duleedka deegaanka Qeycad ee Koonfurta gobolka Mudug oo uu ka arimo maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray dagaalkii aaggaas ka socday ee lagula jiray maleeshiyada Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale sheegay inuusan jirin aag dagaal oo ka sokeeya Xara-dheere.

Generaal Biixi ayaa tilmaamay in dagaalka uu soo socday muddo bil ah,islamarkaana argagixisada meelo badan oo ka tirsan gobolka Mudug looga saaray, kuwaas oo hadda firxadkooda uu gaaray degmada Xarardheere.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa dagaalkii ugu dambeeyay ee maanta ku qabsaday Qoryo ka badan 20, qalab isgaarsiinta, raashin, dharkii dumarka ee argagixisadu isku qarin jireen, godadkii ay ku gabban jireen, iyagoo soo bandhigay meydadka argagixisada ay ka carareen.

Ciidamada dowlada iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug oo iskaashanaya ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxa ay howlgalo ka wadeen deegaano kamid ah gobolka Mudug waxaana howlgalkaasi dhinaca cirka ka taageerayay diyaaradaha dagaalka ee dowlada Maraykanka.

 

About The Author