Daawo Video: Madaxweyne Xasan ”Shirkii maamul samaynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud waa furan yahay”

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo dagaal bareer ah ku soo qaaday Puntland isagoo sheegtay Gobolka Mudug waxaan qudbadiisii uu ku furayey shirka Cadaado ka mid ahaa  ”Shirkii maamul samaynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud waa furan yahay”

Madaxweyne Xasan ayaa iska indhatiray in qayb wayn oo ka mid ah Gobolka Mudug uu ka tirsanaa Puntland 17 sano oo ay Puntland jirtay.

Soomaalida ayaa waxay tiraahdaa Geed baa isagoo lahadlaya Gudin lagu jarayey yiri ”Gudineey ima gowseen haddii qayb iga mid ahi aysan kugu jirin” hada reer Mudug iyo Shacabwaynaha Puntland waxaa u looday Xasan Sheekh iyo qabiilkiisa waa madaxwerynihii, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, dhamaa oo ay u doorteen in uu difaaco ilaaliyana midnimada dadeed iyo dhuleed ee Puntland.

Maanta oo taariikhdu tahay 16 ka abriil 2015 oo Xasan Sheesk iyo Qabiilkiisu Cadaado isugu tageen ayna ku dhawaaqeen in ay Gobolka Mudug ka jarteen Puntland ayuu wuxuu u baxay Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas Dalkiis uu u aaday dalka Itoobiyo kadibna uu uga sii gudbi doono dalka Sacuudiga.

Wax masuuliyad ah oo ka saaran Puntland madaxweyne Gaas ma jirto haday jirto maanta dalxiis ma aadeen!!

Shacabweynaha Puntland waa in ay iska qabtaan marka hore Dr Gaas ka dibna iska difaacaan kuwa weerarka ku soo ah ee Cadaado ku shirsan.

Daawo Madaxweynaha DFS iyo reerkiisa oo Cadaado shir uga furmay

Puntlandes.com

 

 

About The Author