Daawo sawirka maanta iyo heesta ay Puntlandes u qaaday Gaas

Maanta ayuu cadaystay madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo dagaal bareer ah ku qaaday Puntland ka dib markii uu sheegtay Gobolka Mudug. Puntland oo 17 sano soo jirtay ayaa maanta waxaa haya dayac waxayna cagta saartay wadadii Bur-burka iyadoo gacantiisa ku bur burtay madaxweynihii ay hanwaynaanta u doorteen shacabka reer Puntland madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Wakaa Gobolkii Mudug ee udub dhexaadka u ahaa Puntland, Wakaa Gobolkii Sool, Wakaa Gobolkii Sanaag, wakaa Gobolkii Cayn qaataye qaado ayey maanta gaartay Puntlandtii 17 sano soo jirtay.

Xagee buu hada ku sugan yahay madaxweynaheedii? dalxiis ayuu maanta u aaday dalka Itoobiya isagoo uga sii gudbi doona dalka Sacuudiga shuqulkiiba maaha, wax masuuliyad ahna kamaba saarna!!!

1995
25 sano ka dib Masawirka reer Puntland u badalay Siyaad Barre waakan “DR GAAS”

 

Maadaama uu is amaan waxaan ahayn uusan aqoon Dr Gaas kuna faano wixii ay qabatay dawladii ka hoeraysay dawladiisa ee uu madaxda ka ahaa Dr Faroole ayey waxay Puntlandes.com u qaaday heestan:

  • GUULDARO WADOOW GAAS
  • ABIHII BUR-BURINTA PUNTLANDOOW
  • DADKIISA KA HIILIYOOW GAAS
  • SHISHEEYE U HIILIYOOW GAAS
  • GOBOLKIISA BIXIYOOW GAAS
  • GAALKACYO DUMIYOOW GAAS
  • CADAADO DHISOOW GAAS

Riwaayadii ay dawlada Gaas dadka Puntland ku maaweelinayeen iyo Shuruudihii ay lahaayeen waanu ku xirnay dawlada Xamar, bal maantuu madaxweyne Xasan shuurdii ugu waynayd buriyaye wax ha ka dhahaan ama ha u sacab tumaan ??

Puntlandes.com

About The Author