Beesha Caalamka oo Soo Dhaweysay Furitaanka Shirka Maamul u Sameynta Gobolada Dhexe

1475

Qaramada Midoobay,IGAD), midowga yurub, AMISOM,Mareykanka, ingiriiska, Sweden, Italy, Ethiopia, Uganda iyoTurkey ayaa soo dhaweeyay shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud oo shalay galinkii danbe ka furay magaalada Cadaado.

Saaxiibada Beesha caalamka ayaa ku amaantay dadka gobolada dhexe soo gabagabeynta shirkii dib u heshiisiinta Dhusamareeb iyo sida ay uga go’antay in ay dalka ka dhacdo nabad iyo deganaasho.

“ tani waa tillaabo kale oo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca nabadda iyo dhisidda maamul goboleed ay leeyihiin dadka ku nool gobolada dhexe iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxa aan ka war sugeynaa natiijo guul ah oo ka soo baxdo shirka Cadaado, waxa aan dadka gobolada dhexe ku boorineynaa in ay dhistaan maamulkooda cusub,iyaga oo ku saleynayo mabaadii’da dib u heshiisiineed, aragti loo dhan yahay oo dadka dhan mideysa” ayey yiraadeen saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Saaxiibada beesha caalamaka ayaa madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ugu hambalyeeyay, kaalintiisa furintaanka shirka, waxeyna dhamman ka qeyb galayaasha shirka Cadaado ku booriyeen in ay meel iska dhigaan wax kasta oo dan shaqsiyadeed la xariira, si ay kor ugu qaadaan nabadda iyo dhismaha gobolka.

Saxiibada Soomaaliya ayaa sidoo kale dhammana dhinacyada kala duwan ku booriyay in ay guda galaan dhib u heshiisin miro dhal leh oo aas-aaska loogu dhisayo maamul goboleed ku-meel gaar ah oo xasilan,, waxaana saaxiibada Soomaaliya ay ballan qaadeen in bixinayaan taageerada si loo xaqiijiyo dhaqan gelinta natiijiyo waqtiyeysan oo shirka Cadaado ka soo baxdo.

“saaxiibada caalamiga ah ee Soomaliya, waxay ku faraxsan yihiin, sida shacabka iyo mas’uuliyiinta Ximan iyo Xeeb ay u marti geliyeen booqashadeydi Cadaado, ee 15-ki bishan Abriil, waxa aan awoodi karnaa in aan si toos ah ula socono dhinacyada kala duwan, booqashadu waxaa ay aheyd in aan caddeyno taageeradeena iyo kor u qaadidda arrimaha tanaasulka ah” sidaasi waxaa yiri wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qarmada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay.

Heshiiska in maamulka gobolada dhexe loo sameeyo waxaa la saxiixay 30-ki bihsii Julay ee sanadkii 2014, iyada oo dhammaan dhinacyada ay ka go’need in ay dhisaan maamul loo dhanyahay, wixii xiligaas ka dambeeyay, dhinacyada saxiixay heshiiska ayaa ka shaqeeyay dhib u heshiisiinta iyo hannaanka siyaasadeed ee lagu dhisayo maamul ku meel gaar ah oo gobolada dhexe loo dhiso.

About The Author