Dhagayso-Daawo Video: Madaxweyne Xasan ” Shirka Cadaado waa mid loo dhan yahay .. waxana ka soo baxaya Maamul la mid kuwa jira”

Madaxweynaha DFS,Xasan Sheekh ayaa maanta sheegay in shirka ka furmay degmada Cadaado ee gobolka Galguduud uu kaso baxayo maamul la mid ah kuwa gobollada dalka ka jira.

Madaxweynahu ma qarsan in dowladiisa ay aad u rabto dhismaha maamulka, isagoona muujiyay in dhismaha maamulka uu noqon doono mid la mid ah maamullada dalka ka jira.

“Shirka Cadaado waa mid loo dhan yahay oo ay ka qaybgalayaan bulshada kasoo jeeda gobollada dhexe oo dhan. Waxaana kasoo bixi doona maamul kuwa hadda dalka ka jira la mid ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Maamulkan shirkiisu ka socdo Cadaado ayaa ah mid ku kooban Koonfurta Mudug iyo Galgaduud, isagoo aan buuxin Sharuudii Dastuuriga ahayd ee ahayd waxaa dawlad noqon kara laba gobol iyo wixii ka badan.

Magaalada Gaalkacyo iyo waqooyiga Mudug waxaa ka talisa dawalada Puntalnd oo soo jirtay muda ah 17 sano.

Halkan ka dhagayso hadalka madaxweynaha

Daawo Videowga

Puntlandes.com

About The Author