Fadeexad: TVga PL oon soo dayn Guddoonka barlamanka PL oo ka tacsiyeeyey geerida xildhibaan Aadan Yare

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa ka tacsiyeeyey geerida Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen (Aadan Yare) oo ahaa mudane ka tirsan barlamanka Puntland oo maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Digfeer lagu diley.

Guddoomiyaha ayaa marxuumka Ilaah uga baryey inuu naxariistiisa ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Dhanka kale Gud. Sicidii Xasan Shire wuxuu baaq u direy hay’adaha ammaanka ee DFS, isagoo ugu baaqay inay baaritaan ku sameeyaan ciddii ka dambeysey dilka xildhibaan Aadan Yare sharcigana hor keenaan.

TV ga Puntland iyo Tacsida Xildhibaanka

Waxaa wax lala yaabo noqotay kuna tusaysa isku xirnaanta Golayaasha dawlada Puntland ee uu madaxda ka yahay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas in TV gii dawlada Puntland uusan baahin Tacsida Gudoomiyaha Baarlamaanka Sicidii Xasan Shire halka uu baahiyey tacsi uu dirayey wasiirka Warfaafinta Xukuumada Dr Gaas.

Dadka aadka ugu dhuun daloola Hogaanka madaxweyne Dr Gaas waxay leeyihiin waxaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire loo soo dayn waayey waa isagoo ku adag qaladaadka ay DFS ka gasho dadka iyo dawlada Puntland. Waana taas sababta loo soo daywaayey Tacsidiisa.

Waxaa kaloo xusid mudan warku sida uu u kala culus yahay ayaa loo kala hormariyaa tusaale SNTV oo ay maamusho DFS waxaa ugu horeeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Jawaari oo ka tacsiyeynaya geerida Xil. Aadan Yare halka uu PLTV soo daayey tacsida Wasiir Indhoguran bartamaha wararkii TV ga.

Puntlandes.com

About The Author