Amni xumida waxaa ugu wacan habacsanaanta iyo aqoon la aanta xukuumadda Gaas W/Q Saliid

Waxaa wax aad iyo aad looga xumaado ah falkii argigixiso ee ka dhacay Garoowe, taas oo lagu dilay dad fara badan oo aan waxba galabsan oo waliba kuligood u shaqaynayey hay,ado innaga ina caawinayey, ama Kaalmaaynta caruurteena ha ahaato ama beero iyo cunno ha ahaato eh (FAO, Unicef ).

Dad badan baa waxaa laga yaabaa in ay iswaydiiyaan sida ay argigixisadu sida sahalka ah ee ay ugu suurtoowday in ay dadkaas layso. Waxaan isku deyeynaa bal in aynu  sharaxano sababta sahashey arrintaas.

Marka laga soo tago Qadderka illaahay, hadana waxaa  muuqata in teer iyo intuu xukunka la wareegey Cabdiwali  Maxamed Cali ”Gaas” ay Puntland ku habsatay masiibo inteeda badan salka ku haysa maamul xumo, musuqmaasuq, aqoon la’aan iyo lexojeclo la’an ku salaysan maxaa iga galay.

Taas oo dhamaantood ay keenayaan gudasho la’aan wajibaadkii loo igmaday qofka shaqada haya, xil kastaa ha hayyee.

Xaga amniga oo ahaa meesha ugu daran, waxaynu arkayney, tan iyo intuu qabsaday Cabdiwali Gaas, cabasho ka soo yeereysey ciidanka oo ku saabsan daryeel la’aan iyo mushaar la’aan.

Taasi waxay keentay, kala danbayn la’aan Masuulna uusan masuulka kale ka amar qaadan. Waxaynu la wada soconay in ciidan gadooday uu Garoowe joogey mudo 3 bilood ku siman.  Cabdiwali Gaas afkiisa baan ka maqalay in nin uu xilka ka qaaday uu wareejin doono. Taas bedelkeeda waxaa lagu xaliyey arintaas in uu ninkiina xilkiisii sii wato, ciidankiina xeradoodii ku noqdaan.  Xagee dawladi joogtaa hadii madaxwaynuhuna si khaldan saraakiisha ciidanka ku eryayo idoo xuquuxdoodii lagu tuntay mar hore, iyagoo tabarucaad ku shaqaynayeyna ay dadkii ay dambiyada ku soo qabteen uu Cabdiwali Gaas xabsiga ka sii daayo. Xageese joogtaa hadii sarkaalkii la eryey uu inta ciidankii uu xukumay xeryaha kala soo boxo amardiido sameeyo oo markaa loogu abaal gudo in uu shaqadii sii wato. Yuu tolow ka amarqaadan Sargaalkaas???

Midda kale waxaynu ognahay in golaha wasiiradu shirkooda Khamiis kasta, ku sheegaan in uu amaanka guud sugan yahay.

In qofku uu been iyo waxaan jirin isku maaweeliyo oo iyadoo aan la aqoon shaqada laga rabo oo wax dhaq dhaqaaq  iyo strategy cad ka lahayn, bay afka ka yiraahdaan ammaan baa sugan.

Waxaa taas dheer  mooryaanimo ay askartii loogu talo galay in ay amaanka waddanka ka shaqeeyaan ay iyagii maxkamaddaha dadka kala baxayaan inta ciidan ku soo weeraraan.Taas oo sababtay in maxkamadii Garoowe ee derejadda koowaad xirmato.

Canshuurtii amaanka wax looga qaban lahaa oo nin walbaaba uu issagu afka iska mariyo oo maanta ay marayso anna qaataye adna qaado. Taas oo keentay in magaalada Garoowe diido in ay Bankiga dawladda  ku shubaan canshuurta, illaa la helayo nidaam sax ah oo hadhow ay ka helayaan kunna wada shaqeeyeen.

Maanta hadii wax nidaam iyo kala dambayn yaqaanaa ama u dhaw ay Puntland joogilahaayeen waxaynu arki lahayn.

Cabdiwali Gaas oo soo gaabiyey shirkaan uu awalba uga qaybgalayey sida Shakhsigaa, iyo ra,iisulwasaare hore. Marka uu soo caga dhigtana wuxuu marka horre eryi lahaa dadka ammanka waddanka lagu aaminay ee ka gaabiyey.

Wuxuu saarilahaa guddi ka madaxbanaan oo soo baara keenana habki loosoo qaban lahaa wixii falkaan fuliyey, kuwa abaabulka lahaa meesha lagasoo abaabulay, guryahay ku jireen iwm. Wuxuu saarilahaa guddi kale oo keena habkii amaanka lagu sugi lahaa iyo sidii looga bixi lahaa Habacsanaanta amaanka galay.

Waxaa marka la fulinayo  arimahaas loo baahan yahay resources, dhaqaale, aqoon iyo qalab sahla in shaqada la qabto.

Maadaama ay wasaaradda maaliyadu tahay isha ugu wayn ee recources:ka ayna ku fashilantay hawsheedii, maadaama bal iska daa tayayn, iyo agabe ay marayso in mushaar aan la bixin 5 bilood iyo ka badan. Waa in iyaggana shaqadda laga bedelaa oo dad shaqadda qaban kara lakeen.

Raali ahaada dhibka ugu wayn oo aan ammaan loo sugi karin, Puntland:na ay maanta meeshaa u taal waa Cabdiwali Gaas oo isaguba aan lahayn awood hogaamineed iyo iyadoo kuwa uu shaqaalaha u qortayna meesha loo keenay inay issaga ammaanaan oo keliya iyo guulwadayn.

Waxaad arkaysaa in marka ay ammaan ka hadlayaan ama la waydiiyo waxay isagga iyo wasiirkiisa amnigu caado ka dhigteen in ay yiraahdaan, ”waxaa wax lagu cabiraa Boqoleey” marka aynu is barbar dhigno dadka ay argigixisadu dishey sanadkaan iyo kii ka horeeyey waxaa kuu soo baxaysa in uu hadda amaanku ka fiican yahay.

Markay saas leeyihiin tusaalohoodu wuxuu u dhigmaa in lays bar bar dhigo

Dameero iyo Fardo mar hadii aan la fiirinayn dhaawaca ficilka ay is barbar dhigayaan gaysano iyo khatarta ka imaan karta mustaqbalka.

Ma jiri jirin in 8 subaxnimo fal argigixiso laga fuliyo Garoowe, Boosaaso. Madhici jirin in sal dhigyo la qabsado, madhici jirin in shaqaale qaramada midoobay oo iyagu ammaankooda wax yarba ha ahaadee laga fakaro isku mar intaas caddad le,eg isku meel lagu dilo, oo waliba ah meeshii ugu amaanka badnayd. Markay intaas dhacday oo waliba ay Boqoley isu barbar dhigayaan sannadkaan iyo kuwo tegey waxaa kuu soo baxaysa in ay nimankaani yihiin kuwo habawsan.

Bal hadda ka feker waxa ay argigixisadu ku samaynkarto dadka caadiga ah???

Dadka Gaas iyo xukuumaddiisa wax ka sugayoow walee  idinkaa cirka roob ku og

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

 

About The Author