Qofkii is-qarxiyey shaqaalaha UN-ka oo la aqoonsaday

 

Waxaa la aqoonsadey qofkii weerarka fuliyey oo sida la sheegay maalmihii u dambeeyey dhowr mar la arkay isagoo taagan agagaarka xarunta Qaramada Midoobey ee Garowe.

Ninka qaraxa fuliyey oo sawirkiisa la hayo, ka dib markii nin ka mid ahaa dadkii saarnaa gaariga oo xilligan dhaawac ah ayaa sawir ka qaadey ninka weerarka fuliyey waxyar kahor intaan qaraxu dhicin, kadib markii uu ka shekiyey qofkaan ku soo ordaya gaariga.

Dhinaca waxaa la cadeeyey in qofka qaraxa fuliyey muddo toddobaad ka badan ku sugnaa magaalada Garowe.

Ilaa iyo hadda lama shaacin magaca ninkaas iyo deegaan ahaan halka uu kasoo jeedo.

Qaab sidee ah weerarku u dhacay?

Gaariga qaraxa lala beegsaday oo noociisu ahaa minibus ayaa ka yimid dhanka xarunta weyn ee Qaramada Midoobey, wuxuuna shaqaalaha UNICEF qaar kamid ah ka qaadayey goob deegaan u ah oo wax yar u jirta xaruta weyn ee UN-ka.

Qofka is-qarxiyey ayaa baska orod kusoo korey xilli albaabku furnaa islamarkaana ay gaariga koreysey haweeney Kenyati ah oo ka tirsaneyd shaqaalaha UNICEF Somalia.

Haweeneydaas oo kamid ahayd dadkii weerarka ku dhintey islamarkaana muddo shan iyo toban sano ah Puntland ka shaqeynaysey waxaa lagu magacaabi jirey Woki Munyui.

Faah faahin kala soco Puntlandes.com.

 

 

About The Author