Qunsuliyadda Ethiopia ee Garowe oo joojisey bixinta fiisaha

Garowe (Pes) Qunsuliyadda safaaradda Ethiopia ee fadhigeedu yahay Caasimada Puntland eeGarowe ayaa joojisey gebi ahaanba bixinta fiisaha dalka  Ethiopia lagu galo. Dad badan oo saaka tegey xarunta qunsuliyadda ayaa dib usoo laabtey kadib markii lagu wargeliyey in aan wax fiise ah la siin doonin.

Saraakiil ka tirsan Qunsuliyadda ayaa dadka u sheegay in sababta bixinta fiisaha loo joojiyey la xiriirto qaraxii shalay ka dhacay magaalada Garowe ee lala beegsaday shaqaalaha Qaramada Midoobey.

Lama nobo in go’aanka ay Ethiopia gaartay uu yahay mid kumeel gaar ah iyo in sidaas lagu joojiyey hawlihii qunsuliyadda safaaradda Ethiopia ee Garowe. Ethiopia ayaa horay u xirtey qunsuliyaddii ay ku lahayd magaalada Hargeysa, waxayna laga soo bilaabo xilligaas  qunsuliyadda Garowe ahayd goobta keliya ee dadka ku dhaqan Puntland iyo Somaliland fiisaha ka qaataan.

Puntlandes.com

About The Author