Daawo Muuqaal: Rooble oo kulan kahdka ah la yeeshay wefdigii Soomaaliya ku matalayay dacwada Badda

13 Okt 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay wefdigii dowladda Soomaaliya uga qeyb galay dhageysiga go’aanka maxkamadda ICJ ee baddeenna, ayaa ku bogaadiyay shaqadii ay qaranka u qabteen, isagoo sidoo kale u mahad celiyay qareennadii difaacayay badda, madaxdii dalka soo maray iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa madaxda uu u mahadceliyay waxaa ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud isagoo ku tilmaamay aabihii geeyay maxkamada markii ugu horeeyay.

Sidoo kale waxa uu u mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo oo mudadii uu xilka hayay u dhabar adeeygay kiiska badda ee ay maxkamada caalamiga ah ee ICJ ay u xukmisay dalka Soomaaliya.


Puntlandes.com

About The Author