Muuqaal: Isimadda SSC oo beeniyay inay wadahadal la galayaan xubno ka socda Somaliland

16 Feb 2023 (Puntlandes) Isimadda SSC oo ka jawaabaya hadalkii ka soo jeeray madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inuusan jirin wada hadal u bilaaban kara iyadoo ay Ciidamad Muuse Biixi ku sugan yihiin deegaanada SSC,

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Isimadda SSC aqbaleen in lagu kulmo magaalada Yagoori, oo ah duleedka magaalada Laascaanood, inkasta oo dhinaca Isimadda SSC qaarkood oo aan la xariirnay ay beeniyeen sheegashada Somaliland.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka jawaabaya hadalka madaxweynaha ayaa yiri “Ma Jirto Salaadiin nala soo xiriirtay oo Yagoori shir wadahdal nooga furmayo”

Sidoo kale Garaad Jaamac Garaad Cali  ayaa caddeeyey inuusan jiri doonin wadahadalo ay la galayaan Somaliland inta ay Ciidamadoodu ku sugan yihiin deegaanada SSC.

Maalintii 12aad ayaa ciidamada Somaliland magaalada Laascaanood duqeymo ka wadaan, kuwaas oo ay la beegsanayaan guryaha shacabka, isbitaalada iyo masaajidada.

About The Author