Fadeexad: Dhagayso Dr Gaas oo ka jawaabaya suaalo ay waydiiyeen Baarlamaanka Puntland, Galayr waa uu inkiray in uu Bursaalax iyo Burtinle tagey, Mushahaar la,aantana waa uu qirtay

0

Garowe (Pes): Madaxweynaha Puntland Dr Gaas ayaa wuxuu hortagay Baarlamaanka Puntland,23-07-2014, iyagoo halkaas ku waydiiyey su,aalo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland.

Hadaba su,aalahaas oo ahaa kuwii ka guuxayey dhamaan shacabka reer Puntland muxuu ku jawaabay Dr gaas? Sidii caadada u ahayd marin habaabin iyo jawaab xaqiiqda ka fog.

 

Waxay warbaahin Puntlandes idiin soo gubinaysaa jawaabihii Dr Gaas ka bixiyey. Waxayna soo qaadanaynaa Joogitaankii Galayr ee Bursaalax iyo Burtinle iyo mushahaarkii oo aysan dhawr bilood helin shaqaalaha Dowlada Puntland, ciidama amniga sugaya.

”Galayr Puntland kuma ogayne Saaxdheer baan ku ogaa” waxay ka mid yihiin hadala Dr Gaas. Hadaba su,aashu waxay tahay Saaxdheer Puntland maaha miyaa?

 

1-    Hoos ka dhagayso Xillibaan jawaabtii uu Dr Gaas bixiyey joogitaanka Galayr ee Bursaalax iyo Burtimle 

2- Hoos ka dhagayso Xillibaan jawaabtii uu Dr Gaas bixiyey shaqaalah dowlada iyo ciidamada oo mushaar helin dhawrkii bilood ee la soo dhaafay

Xafiiska wararka
Puntlandes.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *