Dhagayso: Hantidhowrka dawladda Xamar oo ka hadlaya Musuqmaasuqa ka jira halkaas

169h

05 july 2015 (Puntlandes) Barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee ka baxa idaacadda VOA ayaa toddobaadkan waxaa marti ku ahaa hantidhowrka dawladda Xamar Nuur Jimcaale farah oo banaanka soo dhigay Musuqmaasuqa baahsan ee ka jira Dawladda Xasan Sheekh iyo qayb ka mida sababta ay Deeq bixiyaasha u joojiyeen dhaqaalihii ay ku taageeri jireen.

Waxyaalaha ka jira Xamar oo uu carabaaby Nuur Jimcaale farah ayaa waxaa ka mida:

  • Hanti dad lahaayeen oo inta laga qaaday kuwa kale la siiyey
  • Dhulalkii ay dawladdu lahayd oo la siiyey ama laga gaday dad gaara
  • Shaqaalaynta maamulka Xamar oo ku dhacda hab Musuqmaasuq ah
  • Dhaqaalihii Deeq bixiyayaashu bixiyeen oo aan xisaan celin loo samayn
  • TV dadka ka wada dhexeeyey oo xayeysiino soo gudbinaya dadka Soomaaliyeedna aysan u sinayn isagoo gabay shaqadiisii ahayd wacyi gelinta dadka Soomaaliyeed
  • Qandaraasyada la bixiyo oo dhamaantood lagu bixiyey hab Musuqmaasuq ah
  • Musuqmaasuq oo ku baahay heer kasta oo ay ka kooban yahay maamulka Xamar
  • Iyo kuwo kale oo badan

Waa ku mahadsan yahay Hantidhowrku bayaaminta uu bayaamiyey waxa Xamar ka socda.

Akhriste waxaa intaas waliba sii dheer iyadoo gebi ahaanba la laaday ama lagu tuntay Dastuurkii ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay oo ah waxa halbowlaha u ah soo celinta dawladnimadii Soomaaliyeed.

Dhagayso Barnaamijka oo dhemeystiran


Puntlandes.com

About The Author