Warsaxafadeed: Dawladda Puntland oo ka soo horjeesatay wixii Cadaado ka soo baxay

67

Warsaxafadeed

Dowladda Puntland ayaa si cad udiiday natiijada iyo geedi-socodka loo marayo in maamul federalka katirsan laga hirgaliyo gobolada dhexe, kaasoo ka hor imaanaya Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya.

Dowladda Puntland ayaa nasiib darro ku tilmaamtay in xukuumadda federaalka xayaysiiso, taageerto habka-sharci darrada ah ee wax lagu wado, kaasoo dhaawici kara dadaallada nabadda iyo dhismaha qaranka Soomaaliya.

Habka sharci-darrada ah iyo natiijada Cadaado kasoo baxday waxay keeni doontaa fowdo, midnimo la’aan, kala qaybsanaan siyaasadeed oo dheeraad ah oo dalka dib ugu celin karta colaad sokeeye.

Dowladda Puntland ayaa si cad u sheegaysa in aysan jirin wax muran ah oo ku saabsan xudduudaha koonfurta, sida ku xusan heshiiskii 14 October, 2014 ay la gashay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsan beesha caalamka.

Sidoo kale, Dowladda Puntland ayaa diiday Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka,ah, kasoo aan sharci ahayn islamarkaana ka hor imaanaya sida ku xusan Qodobka 111 ee Dastuurka ku meel gaarka Federaalka oo sheegaya in wada tashi lagala sameeyo dowladdaha xubnaha ka ah federalka.

Dowladda Puntland waxay si weyn u taageersan tahay ilaalinta mabaadi’da Federaalnimada ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo xiriirka ka dhaxeeya dalalka xubnaha ka ah federaalka sida uu qeexayo Qodobka 50, qaybta (c) ee Dastuurka ku meel gaarka Federaalka.

Ugu dambayn, Dawladda Puntland waxay ugu baaqaysaa bulshada caalamku in ay taageerto ilaalinta Dastuurka ku meel gaarka Federaalka.

Dhammaad.

About The Author