Dhegeyso: Madaxweynu kx Cadaado oo sheegay inay Gaalkacyo Qabsandoonaan!!

167

14 july 2015 (Puntlandes) Madaxweyne ku xigeenka maamulka ay DFS Cadaado ku dhoodhoobtay si ay Colaad uga abuurto Puntland iyo dadka dega Koonfurta Mudug Maxamed Xaashi cabdi Carabeey ayaa sheegay inay Booqan doonaan magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug ee Puntland isagoo ula jeeda inay Qabsandoonaan.

Dhawaanahan ayuu waday Cabdikariim Xuseen Guuleed oo wakiil uga ah ah DFS abuuritaanka Colaada inuu abaabulo Ciidamo Beeleed lagu abuuro Colaadaas, isagoo shalay Sheegay inuu magacaabay Guddi soo abaabula Ciimada fara badan.

Maamulka ay uu xasan Sheekh ku dhoodhoobay cadaado ayaa waxay sheegteen Dhul baaxad wayn o oka tirsan Puntland iyagoo ku Qortay wax ay dastuur ugu yeereen in ay Xudduudoodu tahay Gobolka Nugaal. Waxayna wadeen dhawaanahan abaabul Colaadeed iyagoo taageero ah hub iyo dhaqaalaba ka helaya DFS ta Xasan Sheekh.

Carabeey ayaa sheegay inay Puntland si u aragto Gobolka Mudug iyaguna si kale u arkaan. Wuxuu kaloo si cad u sheegayaa inaysan booqan doonin Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Hadba maxay tahay sababta ay u booqan doonaan magaalada Gaalkacyo oo inteeda badan ay ka taliso Puntland marka laga reebo XAAFADDA BARAXLEEY? Waa Colaad hurin iyo faduul.

 Dhegeyso Carabeey


Puntlandes.com

About The Author