Faallo: Ma Cumar baa gabay doorkiisii Mise C/weli?

Magaalada Garowe ee caasimadda Dawlada Puntland waxaa si aada looga dareemayaa xamaasadda waftiyo kala dano duwan oo caasimada soo gaarayey maalmihii dambe kuwaas oo iskugu jira Madaxda Jubbaland,Federalka iyo Siyaasiyiin reer Puntland ah, Dadkan ayaa intooda badan ka tashanaya xaaladda muragsan ee ka aloosan Dalka iyo qarda jeexa Dastuurkii qaranka lagu hayo.

22a

Waftiyadan oo uu ka mid yahay raisul wasaare Cumar Crashiid wuxuu ugu horayn soo maray ka hor imaanshihiisii Garoowe degmadda Cadaado ee Gobalka Galgaduud wuxuuna halkaas kula soo kulmay Ninka sheegtay Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed isagoo Cumar sheegay inuu Cadaado u yimi sidii uu u dhexdhexaadin lahaa labadda Maamul ee Puntland iyo Galmudug sidoo kalena ay Ahlusuna qayb uga noqon lahayd Maamulka Cadaado laga yagleelay walow Ahlusuna laftirkeeduna mid kale ka dhisatay Xarunta Gobalka lagu hardamaayo ee Galgaduud. Waa yaabe Ma waxaa wada hadal iyo dhexdhexaadin laga gelayaa sheegashada in xuduudu tahay degmada Burtinle ee Gobalka Nugaal?

Cumarow hagardaamada Xasan Alle ma ku tusi waayey?

Oday Soomaaliyeed oo ka mid ah odayaasha waayaha soo jiray ayaan galab kula kulmay goobaha lagu qaxweeyo markaasan weydiyey adeer Maxay tahay sababta uu Cumar C/rashiid uga gilgilan la yahay in Madaxweyne Xasan Dhulkiisii uu Raisul Wasaaraha ku helay uu fidno ka abuuro isla markaana uu yiraahdo waxaan siinayaa Maamulo kale oo hada dhismaaya, Odaygii intuu dhoosha ko qoslay buu yiri ” Adeer laba nin oo xiniyo badan xeero kuma heshiiso haday ku heshiiyana midba buro sida midna waa hurde soojeede”

Aad ayaan ula yaabay micnaha uu oraahdan kawado odaygan wayeelka ah hase ahaate gadaal ayaa ka fasirtay inuu Madaxweyne Xasan Sheikh yahay kan isku darsaday awoodii Raisul wasaaraha iyo tii Madaxweynahaba, Raisul wasaaraha iminka joogana uu yahay Oday hadba loo diro inuu madaxa usoo salaaxo Puntland iyo Jubbaland marka ay ka caroodaan dulmiga cad ee Xamar ka socda walow ay Jubbaland iyadu meel cad iska taagtay hagardaamadan hase ahaate tii 20-ka sano soo jirtay ay eray ku celin ladahay.

Waxaa laga yabaa inuu Raisul Wasaare Cumar C/rashiid ogyahay sidii foosha xumayd ee kursigan looga cayriyey markii uu isku taagay Madaxweynihii uu markaa raisul wasaaraha u ahaa isla dariiqaasna ay mareen saxiibadiisii kursiga uga dambeeyey uuna niyadda ku hayo inuu isla wadadaas qaadayo hadii uu mar kale isku taago Madaxweyne Xassan iyo hawlaha uu wato sidaa darteed waa inuu sacabka u tumaa wax kasta oo uu wato Madaxweynahiisu xumaan iyo wanaag kay doonto ha ahaate, waxaase jira wax yaabo aysan xitaa xayawaanku qaadan oo ay bini’aadamka qaarkiis uu damiirkiisu siiyo inuu qaato.

C/weliyow Haa iyo Maya Maxaa mar kaawada yeersiyey?

Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas waxaa xilka Madaxweynaha Puntland loo doortay horaantii sanadkii 2014, Markii la doortayba sida uu isagabu qiray wuxuu Madaxweynuhu isku dayey inuu xiriir dhow la yeesho Dawladda Muqdisho ka dhisan oo ay markaa si xun iskugu taagnaayeen Maamulkii isaga ka horeeyey ee C/raxmaan Faroole waxaana taas ugu wacnayd sida uu Madaxweyne Gaas sheegay isagoo doonaayey inuu isku soo dhaweeyo umadda Soomaaliyeed ee mudaba kala irdhowday maadama uu isagu horay usoo noqday hogaamiye Qaran.

Dawladda Madaxweyne Gaas waxay isku dayday inay dabool saarto dastuurkii la gacmagacmeeyey ee ay Dawladii iyada ka horaysay sheegtay in laga badelay 24 qodob illaa sidiisii lagu soo celiyana aysan wax xiriir ah uusan dhexmari doonin Dawladda u hogaan u yahay Madaxweyne Xasan Sheikh, Dr Gaas in badan ayuu ku celceliyey inaysan haboonayn in warbaahinta la iska dhaliilo.

Alam-tara wayse soo dhaaftay markii Muqdisho lagu saxiixay heshiis sheegaya in Maamul loo samayn doono Mudug iyo Galgaduud oo ay ku jiraan dhul baaxad leh oo ay Puntland leedahay taasi waxay keentay in Dawladda Madaxweyne Gaas ay afka hayn weydo isla markaana Maalin cad warbaahinta ka dhawaaqdo sheegtayna inay xiriirka u jiartay Dawladda Muqdisho iyadoo weliba wada tashi ugu yeertay cid kasta oo Puntland ugu jirta Dawladda Dhexe.

Dadka reer Puntland way soo dhaweeyeen go’aanka adag ee Madaxweynaha, Waxaa maalmo kadib Garoowe yimi Raisul Wasaarihii hore C/weli Sheikh Axmed isagoo Puntland la saxiixday heshiis oranaaya in uusan Maamulka laga dhisaayo gobaladda dhexe uusan khusayn dhul ay leedahay Puntland balse uu khuseeyo Koonfurta Mudug iyo Galgaduud hase ahate Maalmo kadib Raisul Wasaarihii ayaa xilkii laga eryey iyadoo dad badan leeyihiinba heshiiskaas ayuu eeday.

Madaxweyne Xassan oo maalmo kadib yimi Garoowe ayaa Puntland madaxa u salaaxay isagoo ku qanciyey in Maamul loo samayn doono Koonfurta Mudug iyo Galgaduud waase yaabe xagee dastuurka qaranka ay kaga taal inay Maamul noqon karaan Hal gobal iyo Bar. Say doonto ha ahaate taas Puntland way aqbashay iyadoo malaha u baqaysa in dhulkeeda lagu soo xadgudbo.

Qayladda Puntland ee iminka iyo Raisul wasaare Cumar oo damacsan inuu Madaxa Salaaxo.

Puntland ayaa marka afka qaylo ku shubatay markii la sheegay in Maamulka laga dhisay cadaado uu xuduudkiisu yahay Gobalka Nugaal waxaana arinkan kawada xumaaday Dad iyo Dawladba, Digniino adag oo xitaa ka muuqato iny Puntland ka tashan doonto Soomaaliya hadaan wax laga bedelin sida ay Dawlada Federalku wax u wado ayey Puntland so saartay mase muuqato wax isbadel oo ka muuqda Dawladda Xamar ka dhisan.

Dawladda Federalka ayaa usoo dirtay Raisul wasaare Cumar C/rashiid si uu u soo dejiyo dareenka reer Puntland sida uu isaguba Cadaado ka qiray hase ahaate waxaa la yaableh muusan Cumar ahayn kii Cadaado tagey ee aqoonsaday Maamulka sheegtay dhulka Puntland, Mayse isaga qudhiisa ahayn in go’aan adag laga qaato maadama uu dhulkiisii Har cad maamul kale u gacan geliyey mise isagu waa nala tol oo waa xumaan ka saliim?

Gabgabadii Dadka reer Puntland ayaa isweydiinaaya tolow Madaxweyne Gaas iyo Dawladiisu doorkan ma qaadan doonaan Madax u salaaxid iyo afar faataxo iyadoo la sheeganaayo dhulkii Puntland ayna khatar tahay in Gobalka Mudug uu noqdo dhul lagu muransan yahay (Disputed Area)? Dadka wax falanqeeya way ku kula aragti duwan yihiin Su’aashan waxaase la rajaynayaa in kulmadan ay ka soo bixi doonaan wax qanciya bulshaweynta reer Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaaliyeed.

Xigasho:Puntland Post.

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author