Ma dhab baa, misse u sahlantahay sida ay ku khudbeeyeen RW Sharmarke & Madaxweyne GAAS in ay u soo afjarayaan is af-garanwaaga ka dhex jira Dawladda Xamar iyo Puntland?

22e

Waxaa ka muuqatey khudbaddii Madaxweyne Cabdiweli kalsooni aad u balaaran oo ku saabsan in la soo afjarayo khilaafaadka u dhexeeya Puntland iyo Dawladda Xamar. Issagoo taas faahfaahinayana wuxuu yiri waxaan rajeynayaa in wada hadalkayagu uu soo afjaro ismariwaaga u dhexeeya annaga iyo dawladda federaalka ah.

Waxaa caado u ahayd madaxweyne Cabdiweli marka laga soo boxo wada hadal in uu yiraahdo ”waa miro Dhal” iyadoo aanba la gaarin fulinteeda waxa lagu balamey ama lagu heshiiyey.

Waa markhaati madoonto in fagaarayaasha siyaasadda la isugu yimid modo badan taas oo aysan ka marnayn 1,5 Cabdiweli Gaas uu meesha joogey oo mudo dhawr jeer ah Garoowe lagu saxeexday wax loogu yeeray heshiis. Heshiiskaas oo uu Madaxweyne Cabdiwali ku khudbeeyey waa ”miro dhal” hadana aan hoostiisa laga qaadin. Tan maanta taagan ee markii dadka reer Puntland iyo Baarlamaankooduba ay inta quusta gaareen ugu danbayntii keentay in go,aan qodobaysan laga soo saaro miyey weli la tahay madaxweyne Cabdiweli in issaga iyo Cumar ay soo afjarayaan khilaafkaan ragaadey ee soo jiitamayey muddada 25 sanao ah.

Wuxuu madaxweyne Gaas isticmaalay ereyga ah ”AA LA TAHAY” habeenkii 1da luulyo isaga oo u khudbeynayey dad ka caraysnaa waxa ka socdey tuulada Cadaado.

Anigu hada issagaan ku leeyahay ”AA KULA TAHAY” in aad adiga iyo ina adeerkaa inta qol isku xirataan aad xalinaysaan dhibaato dhextaal qowmiyadda koonfurta gaalkacyo ilaa Xamar degta iyo Soomaali inteeda kale.

Ammaa la bedelaa Cumar markuu xamar tago sidii ku dhacday Raysulwasaariihii isaga ka horreeyey. Oo markuu kasoo baxay heshiiskii aad mirodhalka ku sheegtay mooshinka laga keenay.

Hadaba hadaan u soo laabto su,aasha aan ku bilaabay cinwaanka ma sahalbaa in ay dhamayn karaan waxa la isku hayo?

Jawaabtu waa maya.  Waa marka la fahansan yahay waxa la isku hayyo, waxaa la isku hayaa:

  1. Dastuurkii la bedeley in lasoo celiyo
  2. in wax kastoo dawladda Xamar soo saartay in uu xaaraan yahay wixii ka danbeeyey badelaadii dastuurka ka dib, sida xeerarkii iyo guddiyadii Xaafadaha Xamar inta laga soo xulay  uu Cumar laftigiisu Baarlamaan kusheega laga ansixiyey, oo ay ka mid tahay maamul kusheega Cadaado.

Bal adigu qiyaas in uu Cumar arintaas samayn karo illeen waxa lagu sheekaynayo waa in uu issagu Dawladda Xamar u hadlayo,e.

Hadiiba uu xalakaas gaari karey Muxuu hore ugu bilaabi waayey intii ay cabashadu socotey oo uu qaarkood hawshooda uu issagu wedey, hawshaas oo uu ogaa in ay su,aali ka taagneyd oo aan loo dhamayn.

Aniga aragtidayda waxaan qabaa in Madaxweyne Cabdiweli issagu waxa uu miro dhal u yaqaan ay tahay  in la shiro oo kaliya oo wuxuu aad u jecelyahay in ay qolyaha Xamar la heshiiyaan shuruud la’aane Cumar maxay doodiisu noqon?

  • Ma baabi’in Maamulka Xaaraanta ah ee xukuumadiisu (Wasiiradda kasoo jeeda qowmiyada aan kor ku xusay) iyo Madaxweynaha Xamar juhdiga maaliyadeed iyo maskaxba geliyeen?
  • Ma ka noqon waxa loogu yeeray Gudiyadda iyo Xeerarka qaran ee Xamar lagu dhoodhoobay oo uu issagu qaybta ka ahaa?
  • Ma soo celin dastuurkii lagu heshiiyey?

Misse tolow rag bay noqonoo dawladda oo dhanba waxay keensanayaan Garoowe oo wixii hadda ka danbeeya waxaa socodsiinta Federaalka iyo inta dhiman doorashada 2016 laga maamulayaa Garoowe? Illeen waan ognahayoo ilmo adeer qol isku xirtay oo keliya kuma xirna arinta murugsan ee Soomaaliya eh.

Haddii Soomaalinimo dhab ah la doonayo waa in ay wada rabaan ummadda Soomaaliyeed iyo inta matashaa oo dhami. Ama qolyo laga caalwaayey oo koonfurta degtaa ha noqoto ama kuwa ku daba habaabay, oo danatoodii ku luntay oo Puntland degta ha noqoto ama kuwo hore u goostay ha noqdeene. Intaas wixii ka soo hara waa gacmo daalis iyo ijiid aan ku jiidee. Horaana yiri muslim god labo jeer lagama qaniino. Waxa kaliya oo hadda laga rabo qolyhay Xamarna waa in ay fuliyaan qodobadii Baarlamaanka Puntland inta ka horreysa kalfadhiga soo socda ee Oktobar. Haddii kale Soomaaliyi isma rabtee NABDEEY.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author