RW Sharmarke oo Garowe la yimid Riwaad ah Dastuurka Cadaado waa la bedelayaa ee PL & JL ha ka soo qayb galaan Shirka Xasan Sheekh

22h

14 july 2015 (Puntlandes) Raysal Wasaaraha DFS oo safar ku yimid Caasimada Puntland ee Garowe kadib markii uu aad u xumaaday xiriirka DFS iyo Puntland iyo Jubaland oo dhic ah ayaa warar ay helayso Warbaahinta Puntlandes waxa sheegayaan in madaxweyne GAAS loo soo bandhigay qorshe uu Xasan Sheekh usoo dhiibay Sharmarke oo ah in Dastuurka maamaulka Cadaado laga saari doono qodobada khaldan e eka hadlaya Xudduudda.

Raysal wasaare Sharmarke doonaya inuu qanciyo GAAS si uu bedelkeeda GAAS shirka Xasan Sheekh ee Xamar uga qayb galo 29-30ka bishan.

Wararka ay PES ku helayso ayaa sheegaya in Madaxweynaha DFS Xasan Shiikh uu doonaya in xiisada kacsan la dajiyo madaama qorshoohooda fog yahay sidii doorashooyinka 2016 ugu guuleysan lahaayeen.  Xasan Shiikh ayaa soo foodsaaray welwel weyn oo ka haysta khilaafka Puntland iyo Jubaland taaso keentay in mugdi wayn uu soo galo hiigsiga 2016 ka oo uu quuldaraynayey in mar kale la soo Cimaadamo.

Ula jeedada safarka Raysal wasaaraha DFS ayaa ahayd in uu Puntland iyo Jubaland ku qanciyo iney kasoo qayb galaan kulanka DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka kaasoo la qorsheynayo in magaalada Muqdisho lagu qabto July 29,2015.

Sida ay odorasayaan dadka falanqeeya Siyaasadda Soomaalida waxaa la filayaa inuu GAAS aqbali doono rabitaanka Xasan Sheekh isagoo Quuldaraynaya in uu ka dhiga Raysul wasaare marka dib loo soo doorto. Waxa uusan GAAS xisaabta ku darsan waa inuu horay 2012 kii u balan qaaday inuu GAAS ka dhigi doono Raysul wasaare haddii la doorto taasoo uu ka baxay.

Kala soco wixii ku soo kordha Warbaahinta Puntlandes

Puntlandes.com

About The Author