XOG: RW Sharmarke oo u gudbiyey GAAS iyo Axmed Madoobe fariintii uu ka waday Xasan Sheekh

22h

14 july 2015 (Puntlandes) Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke,ayaa madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Puntland Cabdiweli Maxamed Cali GAAS’ u gudbiyey FARIIN uu usoo dhiibay madaxweynaha DFS Xasan Sheekh taasoo ah qodobo aan u cuntamayn Shacabka Puntland iyo kuwa Jubaland.

Qodobada uu waday Sharmarke ayaa waxaa ugu muhiimsanaa:

  1. In Jubbaland iyo Puntland ay aqoonsadaan maamulka Xasan Sheekh Cadaado uu ku dhoodhoobay ee lagu abuurayey Colaada
  2. In Jubbaland iyo Puntland ay aqoonsadaan Guddiyada Xuduudaha iyo Doorashooyinka ee DFS Xamar kaga dhawaaqday iyadoon laga tashan labada dawladood.
  3. In Jubbaland iyo Puntland ay kasoo qayb galaan shirka ay Iclaamisay Xasan Sheekh ee lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho 29/7/2015-ka.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Siciid Xassan Shire ayaa maanta ka qayb galay wada hadalka intii uu socday, laakiin markuu arkay FARIIMAHA Sharmarke loo soo dhiibay ayuu  shirka isaga baxay

GAAS iyo waxa laga filayo

Ilaa hada lama hubo meesha ay ku dambayn doonto FARIIMAHA uu Xasan Sheekh usoo dhiibay Sharmarke laakiin quburada odosa GAAS iyo go’aan qaadashadiisa waxay sheegayaan inuu duuduub u aqbali doono inakastoo la hubo inuusan Axmed Madoobe uusan yeeli doonin maxaa yeelay waa nin u jeeda sharciga ay baal martay DFS ta Xasan Sheekh una dulqaatay muddo badan,

Waxaa la filayaa inay Berri sii socdaan waxaan loogu yeeray wadahadalada laakiin ah FARIINTA ka timid Xasan Sheekh oo aad u danaynaya inay kasoo qayb galaan shirkiisa uu xamar ku qabsanayo uuna doonayo inuu ku soo bandhigo hadkii uu mar kale ku noqon lahaa madaxweynaha DFS marka la gaaro sanadka 2016ka.

Waxaa wax la iswaydiiyo ah muxuu GAAS doonayaa? Goormuu ka daba harayaa Kooxda Villa Somalia ee Xasan Sheekh madaxda ka yahay? maxay tahay sababta uu indho la’aanta u dabo sacdo ayna ugu adeeganayaan isagoo lumiyey danaha dadkii xilka u dhiibtay ee reer Puntland? ma Puntland buu madaxweyne u yahay mise Beesha Xasan Sheekh?

Puntlandes.com

 

About The Author