Maqaal: Puntland wax bay kadhistay galmudug halka galmudug duminayso puntland

Waxaan wada ogsoonahay taariikhduna ay ka marqaati kacaysaa in  dhismihii dawlada putland uu ahaa horseedkii iyo hooyadii dib u yagleelka dhismihii dawladnimo ee ay soomaali iska burburisay kadib dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay 1991dii. puntland kuma dayanin soomaali qaarkeed u tafa xaytay siikala fogaynta umada soomaaliyeed mana sheegan gooni ugoosasho xili soomaalidu ay maraysay,colaado,abaaro iyo macaluul imtixaankii dawlad la aanta iyo colaadaha sokeeye dadkeena haysteen.Puntland gacana goboladeeda ayay u dhisatay maamul lagu naalooday gacana waxay ku baadi goobtay isukeenka iyo midnimada umada soomaaliyeed si loo sooceliyo sharafkii iyo karaamadii dawladnimo ee inaga lumay.

Putland markii la tixraaco dhab ahaan siidii loo dagijiray gobolada dhexe,beelaha dagaana ay xuduud uwada lahaayeen dadka dagaanku waa yaqaan xuduuda dhabta ah ee puntland, hasa yeeshii aragtida fog iyo wadaniyada soomaalinimo ee dadka reer puntland ayaa ogo laatay tanaasul ah in wax kalaba daayoo xataa gaalkacayo layiraahdo koonfurta idinkaa leh!! waxaa intaa dheer in puntland aysan waxba u arag in laladago boosaaso in lala dago galkacayo in lala dago garoowe in lala dago laascaano in lala dago sanaag mar hadii soomaalilawada yahay. waxaa intaa dheer in shacabka koonfurta galkacayo dagan iyo nawaaxigeeda loo soobandhigay in ay kamid noqdaan maamulka puntland dhisidiisii hasa yeeshee meeshii hanaan gobonimo iyo wanaag laga filaayay ay soo celiyeen jawaab ah waxba idinla dhisan mayno sababtuna waxaa weeye hade isku qabiil manihin!!! wax garadkii puntland jawaabtaa way layaabeen hasayeeshee waxay yiraahdeen anagu wada jirkaan u aragnaa hormar qorshuhuna maha in laydin qasbayo xorbaatihiin waa jeclayn in aad naga mid noqotaan balse xaq umalihin in aan idinku qasabno wax aydaan rabin markaa anagaa waxayaga dhisanayna laydinku fara galin maayo mudug intaad ka dagtaan iska daaye xaafada baraxlay ku darsan mayno maamulkayaqa anagoo tix galinayna rabitaankiina xaqbaadna u leedihiin arinkaan.

Puntland in gobolada dhexe maamul loohelo ayadoo laraacayo sharciga iyo dastuurka dalka laba gobol iyo wixii kabadan in ay dhistaan dawlad goboleed ma diidana laakiin arinka dawlada fadaraalki ay wado ee lagu dhisay cadaado waxay u aragtaa masuuliyad daro,iska horkeen soomaaliyeed,dalka oo dagaalo iyo fidno horleh lagalinayo iyo isku day wax u dhimid xasiloonida iyo kala danbaynta dawlada puntland ee nabada ah.puntland waxay u aragtaa ninkaan shalay ku nabad galiyay in uu koonfurta gaalkacayo si xor ah udaganaado in uu maanta beelo kale u habarwacdo sidii loodumin lahaa puntland lamana garanayo waxa ku xanbaaraya dhibta intaa la eg iyo waxa uu ka macaashayo midna.

Puntland dagaaladii sokeeye kadib markay daristay qaabka uugu fudud ee laysugu keenikaro umadii soomaaliyeed laguna soo celinkaro hanaankii dawladnimo ee burburay, in ay tahay nidaamka fadaraalka.waxay dhistay puntland hanaanka fadaraalka soomaaliya kadib markii 2004 ay qabatay hogaanka sare ee dalka soomaaliyeed,waxay ku guulaysatay in caasimadii dalka ay nabadeeyso madax tooyadiina ay dib ufurto oo dalka halkaa looga arimiyo taasoo aan hore cidina isugu dayin libintaa puntland baa leh waxaana loo huray naf iyo maal farabadan in soomaali noqoto dawlad waxaana kadanbeeyay madaxwayne shariif iyo madax Wayne xasan oo dhaxlay fursadaa puntland ay samaysay waana arin u wanaagsan oo sax ah soomaali oo dhan in maanta ay nu leenahay baarlamaan iyo madaxwayne shaqaynaya ilaahay baa inasiiyay abaalkeedana puntland baa leh nin inkira iyo nin mahadiyaba.

   Gabagabadii iyo gunaanadkii

Nimanka kamidka ah beelaha soomaaliyeed ee daga waqooyiga somaaliya isticmaalana magaca somaliland halbaan leeyahay, nimankaa cadaado loogu dhisay maamul u jeedkiisu yahay isku day wax u dhimid nabada puntland iyo xasiloonideedana halbaan leeyahay, Dawlada Puntlandna halbaan leeyahay.

1. sidaan wada ognahayba gobolada waqooyi waxaa dagan beelo soomaaliyeed,hasa yeeshee mid kamid ah oo kaliya ayaa wada soomaali baan ka go aynaa,lama qabaan beelaha kale ee dagaanku arinka waa ka go aynaa soomaali. waxaa kaloon qabin gu itaanka soomaalida inteeda kale oo dhan gobokuu doono ha u dhashee. waxaan leeyahay kawaan tooba marin habaabinta iyo dhuminta ubadkiina aad beenta ku korinaysaan iyo waxaan soomaali u cuntamin taa badalkeda u sheega ilmihiina soomaalinimada iyo runta si aysan cuqdad ugu korin asaagoodna uga harin.dhanka kale laga soobilaabo 1991dii ilaa maanta waxaad fadhidaan mogdisho waxaadna kala gaysaan oo isku dirtaan habeen iyo maalinba iska horkeenka mogdisho iyo garoowe. iska horkeenka mogdisho iyo jubaland dhana waa gonay baad ka leedihiin, ilaahay waa xaaraam yeelay isku dirka dadka walaalaha ah islaamka ah ee aad marna afka usoo duubanaysaan,gumaadkooda mara aad ka dhex shaqaynaysaan sidii mogdisho aanay maraba u nabadoobin idinkoo u arka in aydaan helayn citiraaf iyo in koonfur aysan helin dawlad shaqaysa idinkoo u shaqaynaya shisheeye waxaan idin leeyahay iska daaya isku dirka koonfur dhexdeeda aadka wadaan ilaahay sidan waxba idinkusiin maayo aduun iyo aakhiraba. koonfurina hada waa idin fahantay hawshaad faraha kula jirtaan. waxaan idin leeyahay walaalayaal waxaad wax ku noqonkartaan idinkoo kashaqeeya soomalinimada iyo wada jirkeena.

2. Nimanka dawladu ay maamulka ugu dhistay cadaado ee dagan magalada gaakacayo koonfurteeda halbaan leeyahay,ugu horayn horta waxaad shalay iga diiday maanta ha iila iman,nin baa laga sheegay “ločey nimaan kusoo fulin doonin yuusan ku aroorin” adeer nin mogdisho joogaa oo aan baraxlay dabka aad kashiday waxba kaaga tarayn yuusan maatada kaa qixin buulka caruurtu kuugu jirtana kaa gubin dhabta markay tagtana hawshu waa kugu kaligaa kutalagal taas. ninkaa fadaraalka madaxwaynaha ka ah waxaan leeyahay ku talagal dabkaad ka shiday gobolada dhexe iyo cadaado in uu gurigaaga kuugu imanaya soomaalina maanta uma baahna dib u curasho dagaalo sokeeye oo lagu hoobto adiguna aad masuul ka tahay adoo aamin san fikrado laguu dhiibay oo shisheeye si soomaali soo kabashadaa yar looga baa bi iyo dhanka kalana duulan ku ah beelo soomaaliyeed xiqdi iyo xasad xagaaga ah dartiis. dhanka kale walaalayaal wax dhista noolaada laakiin ka fogaada xuduudaha iyo amaanka puntland gudaheeda ah sidaas ayaa ah darisnimo,soomaalinimo iyo wanaag dib isugu noqda ka jooga dabka.

3.Puntland waxaan leeyahay waxaa tihiin hooyadii soomaaliyeed iyo ilaaliyaha sharafka iyo jiritaanka qaranka soomaaliyeed,waxaa tihiin dhisaha dawlad soomaaliyeed.waxaa tihiin masuulka umada soomaaliyeed. sidaa awadeed maroodigu lugtiisa balaaran wuu uga turaa haduu daban gaale dhibo in uu kubariijiyo!!! waxba haku istaagina dariskeen ee utura hana laysdajiyo maankana halagu hayo masuuliyada inaga saaran walaalheen soomaaliyeed iyo sharafka soomaalinimo wadaniyada iyo hormarka,arinkana waa dabin shisheeye usoo dhiibay somaali wax magarato ah oo aan fahansanayn in ladiidan yahay soomaaliya oo la soonoqota sharafkeedii dawladnimadeedii oo lugaheeda ku istigta,hada markii la arkay in soomaali istaagi rabto ayaa la maleegayaa dabinkan lagu bixiyay kharashka badan ee ka dhacaya cadaado.waxaan leeyahay walaaladeen haloo aqli celiyo ileen nin walbaa arka waxay wadaan in uusan suuro gal ahayn marnaba. waxaad ogaataan in ilaahay caadilyahay wanaaga aad la doonaysaan soomaali iyo danbinka laydiin qoolayo kama qarsoona ilaahay sidaa daraadeed libinta iyo guusha idinkaa leh marwalbaa badiya dulqaadka iyo samirka laydinku yaqaan waana midhaha guusha aduun iyo aakhiraba nina wax idiinma dhimi karo balse hormar iyo guul baad kasii qaadaysaan dhagarkasta oo laydiin maleego dacadiina awadeed. dadkaad dhisteen baa maanta dumintiina kashaqaynaya.

waxaan din leeyahay nasiib baad leedihiin wayn kana shaqeeya wanaaga dhexdiina iyo wanaaga soomaaliyeed intaba wakaa hadafka puntland.tanaa ilaahay idinku hormariyay idinkuna hormarin doonaa waligiinba. ilaahay baa bixiya boqornimada cizada sharafka iyo hogaamintaba nin dudayna wax alle baxshay dabadeed hada ciribtiisu waa hoog.
23
W/Q  Yuusuf Cumar

Email: Mashruuc5@hotmail.com

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author