GAAS, Axmed Madoobe & Cumar “Dhuumashadii dhabarku muuqdey” Qore Mahdi Yuusuf dhuux

Raysul Wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa gabal gaabkii maalintii Isniinta ee bishan ahayd 13ka july 2015 soo garaay Caasimada Puntland ee Garowe isagoo waday Fariimo uu ka waday Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa Dam Jadiid taasoo ah inuu u Qabsoomo shirkooda ay ku qabsanayaan Xamar 29-30 bishan aynu ku jirno oo aan laga carqaladayn.

Bahdilaada Cumar iyo Puntland ay Dam Jadiid ku samaysay

 Iyadoo ay ku sheegtay Kooxda Dam Jadiid inuu Raysul wasaare Cumar wadahadalo iyo Qaboojin xiisada ka dhex jirta Jubaland iyo Puntland oo dhinac ah iyo DFS, ta ay garwadeenka ka tahay Kooxda Dam Jadiid, u tagay Garowe ayey Kooxdu waxay ku samaysan Bahdilaad tii ugu waynayd taasoo ahayd inay ku qasbaan Cumar inuu salaan ugu tago C/kariin Xuseen Guuleed oo dhawaan ay Kooxdu madax uga dhigtay maamul ay Degmada Cadaado ku dhoodhoobtay. Si cadna uu Cod dheer ugu sheego inuu taageersan yahay maamulka Cadaado oo aan Dastuurka waafaqsanayn.

Waxaana taas kaba sii daran markii saxaafada laga maqlay in C/kariin warqad ugu soo dhiibay GAAS!!! CAJIIB ma warqad qaaduu norday ninkii ku magacawna Raysul wasaaraha dalka. Raysul wasaare Cumar waxa kaliya ee uu Garowe la yimid waa FARRIIN ee maaha nin wadahadal u yimid!

Dhan kale waxaa Sabtidii yimid Garowe maxadweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo u yimid sidii uu uga qayb noqon lahaa wadahadal gooni u ah Jubaland iyo Puntland iyo tan Cumar.

Puntland?

Waxa wax lagu farxo ah inay Puntland Baarlamaankeeda oo ka duulaya rabitaanka Shacabkeeda uu go’aamo ka soo saaray Dastuur jabinta Kooxda Dam jadiid kuwaasoo ah Xeer uu ku qasban yahay inuu raaco GAAS.

Waxaa kaloo farxad leh in Shir xalay ka dhacay Madaxtooyada Puntland oo dhex maray GAAS, Gudoonka Baarlamaanka iyo madax kale ay ku Cadaadiyeen GAAS in Puntland aysan aqbalin wax ka yar Qodobadii uu meel mariyey Baarlamaanka Puntland, haddii kale uu qaadi doono GAAS mas’uuliyada lagulana xisaabtami doono.

Guulaha ay filanayso Kooxda Dam Jadiid

Waxay ila tahay in Cumar uu kala tagi doono Garowe warqad loo saxiixay ama seedinomo ha ku helo ama balanqaadkii caadiga ahaa ee beenta ku salatsnaa haku helee, Cumar na wuu raaligelin doonaa Kooxda Dam Jadiid ee Villa Somalia ka talisa.

Laakiin su’aashu waxay tahay ma waxaaa hogaan xun ah ninka ceebtiisa ka hortegaaya inay banaanka timaado waa Cumar e mise kuwa lagu qancinaayo been ay og yihiin ianysan shaqaynayn?

Tusaale ahaan arinta guddiyada wuu baajin karey Cumar in xukuumadu ansixiso waayo ajendaha laga doodaayo isagaa ogolaada, arinkaasna xal waa u raadin karey hadii talo faro ugu jirto ama uu awoodeeda leeyahay.

Laakiin Cumar awaamirtii Dam Jadiid ayuu sidoodii u fuliyey, GAAS na yuu dadka been u sheegin warqadi haday waxtarayso kuwii horaa lagu hodmi lahaa “timirtii horeba dab loo waa” ayey Soomaalidu tiraahdaa!!! marka hada warqadihii horeba wax tari waaye.

GAAS na waa GAAS oo waxaa hubaal ah inuusan tan iyo xalay seexan si uu u fuliyo rabitaanka Kooxda Dam Jadiid laakiin dadka reer Puntland waxay leeyihiin ninka Dhuumayoow oo dhabarku muuqdoow waanu kuu JEEDNAA!!!

 945

Mahadsanidin
Mr Mahdi Yuusf Dhuux

Daabcaada: Puntlandes.com

About The Author