Akhriso: Maxay la tiri DFS safarka uu RW Sharmarke ku joogo Puntland?

18 july 2015 (Puntlandes) laga soo bilaabo 13kii july ilaa iminka waxaa jooga Puntland Raysul Wasaaraha Xasan Sheekh isagoo waday Fariin ay usoo dhiibeen Kooxda Dam Jadiid taasoo aan wax faahfaahin ah laga hayn meesha ay ku dambaysay iyo inay aqbaleen madaxwynayaasha Jubaland Axmed Maxmed Islaan (Axmed Madoobe) iyo Puntland Cabdiwali Maxamed cali Gaas.

Hadaba dawladda Xamar ayaa ka hadashay Safarka Sharmarke iyadoo ugu yeertay “Wadatashi ku saabsan Hiigsiga 2016ka oo dhexmaray DFS, Puntland iyo Juabaland” Hoos ka akhriso waxay dawladda Xamar ka tiri safarka Sharmarke

 

Wadatashi dhexmaray Dowladda Federaalka, Puntland iyo Jubbaland

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa 13kii July 2015 gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal iyadoo halkaasi si diiran ay ugu soo dhaweeyeen Madaxda Dowlad Goboleedka Puntland, Wasiiro, Xildhibaanno, waxgarad, siyaaasiyiin, aqoonyahanno, haween, Dhallinyaro iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa inay sharafweyn u tahay inay soo dhaweyaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, sheegayna in uu u yimid kulan wadatashi ah ee dhanka xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland. Ra’iisul Wasaaraha Sharmaarke ayaa dhankiisa muujiyey inuu si aad ah ugu faraxsanyahay socdaalkiisa. Madaxweynaha Jubbaland Ahmed Madoobe oo isna ku sugnaa Garoowe ayaa Madaxdu waxey kulamo wadatashi ah ka yeesheen hiigsiga 2016 iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howlaha muhiimka ah ee horyaalla Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xigasho: http://www.radiomuqdisho.net/waxqabadka-dawladda-ee-isbuucii-la-soo-dhaafay-sawirro-2/

Puntlandes.com

About The Author