Akhriso dawladda Xamar oo ka hadashay Saraakiil ka socota Booliiska PL oo ku sugan Xamar

18 july 2015 (Puntlandes) dawladda Xamar ayaa waxay ka hadashay Saraakiil ka socota Booliiska Puntland oo Simanaar u tagay Xamar, iyadoo ku shegatay “Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska oo ka kala yimid qaar ka mid ah Gobollada dalka” iyagoo u qoray inay  Puntland, Jubaland, Koofur galbeed ay yihiin Gobolo ka tirsan Soomaaliya TAASOO AH INKIRAAD Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka akhri waxay dawladda Xamar ka tiri arrinkaas:

 

Tayada aqoonta iyo khibrada Saraakiisha Booliska oo sare loo qaadayo

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud ayaa 14ka July 2015 siminaar aqoon kororosi ah u furay saraakiil ka tirsan ciidanka booliska oo ka kala yimid qaar ka mid ah Gobollada dalka, gaar ahaan Puntland, Jubaland, Koofur galbeed, Galmudug, Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo ay ka qeyb galeen furintaankii aqoon kororsigaasi saraakiil ka socota UN-ka. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka booliska Soomaaliya ay mid yihiin, isla markaana aysan xaduud laheen, waxa uuna xusay taliyuhu in ay ka doodi doonaan mudada uu aqoon is weydaarsiga socdo qorshaha heegan ee booliska Soomaliyeed, kaa soo ay booliska ugu bandhigi doonaan adduunka waxyaabaha ay ciidanka u baahan yihiin. Ujeedada tababarkan ayaa ah sidii Ciidanka Booliska loo mideyn lahaa oo ay isku ujeedo iyo isku hadaf uga noqon lahaayeen dib u soo celinta amniga iyo kala danbeynta dalka.

Xigasho: http://www.radiomuqdisho.net/waxqabadka-dawladda-ee-isbuucii-la-soo-dhaafay-sawirro-2/

Puntlandes.com

About The Author